Maamul Goboleedka hirshabeele oo Doortay Madaxweyne cusub

Jowhar – (warsoor) – Waxaa soo gaba gabowday doorashada Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle ee ka socotay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe oo ay ku tartamayeen 8 Musharax.

Tartan adag kadib oo dhexmaray musharaxiinta waxaa wareegii saddexaad usoo gudbay labo Musharax oo kala ah Maxamed Cabdi Waare oo helay 44 iyo Daahir Cabudlle Cawaalle oo helay 20 Cod.

Maxamed Cabdi Waare ayaa ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle kaasi oo helay 74 Cod halka musharaxii la tarmayay Daahir Cabdulle Cawaale uu helay 23 Cod, sida uu shaaciyay Gudoomiyaha Barlamanka Maamulka Cismaan Barre.

Madaxweynaha cusub ee hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa doorashadii tan ka horeysay ee lagu dhisay Maamulka hirshabeelle ka galay kaalinta labaad, waana markii labaad ee uu tartamo doorashada Madaxweynaha Maamulkaas.

 

Xigasho: SONNA

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap