Maalinta Xornimadda Saxaafaddu Macno Nooce Ah Ayay U leedahay SAXAFIGA?

Mustafe AdamMaanta waa maalinta golaha guud ee Qaramada midoobay ay u aqoonsadeen maalinta xornimada saxaafadda adduunka “World Press Freedom Day.” Adduunkana meel walba waa laga xusaa. Dhammaan warbaahinta iyo war-fidiyeenadda adduunku waxa ay ku shaqeeyaan mabaadi’ guud iyo mid gaar-ahaaneed, laakiin, waxa ay ka midaysan yihiin ilaalinta, xaq-dhawrka, horumarinta iyo toosinta dalalkooda iyo dadkooda.

Dalalka adduunka qofka saxafi noqonaya maaha nin/gabadh si sahlan ku soo gashay mihnadda, laakiin, ka sakaw xirfadiisa, waayo-aragnimada iyo aqoonsigiisa jaamacadeed/mac’had waxa kale oo la tixgeliyaa mas’uuliyaddiisa iyo dul-qaadkiisa. Si loo helo saxafi leh shuruudaha aynu soo sheegnay dawladda iyo hal-doorka ummadi leedahay tacab iyo dhaqaale ayaa ka gala sidii loo heli lahaa saxafiga dhabta ah, waayo warbaahintu waa hub casri ah oo ka khatar badan qumbulo-dariyyaha (nuclear), waxaana tusaale inoogu filan burburka iyo hagar-daamooyinka ay gaadhsiiyeen dalal badan, sida xasuuqi Rwanda.

Haddaba, su’aasha is-weydiinta leh waxa weeyaan, ma dareensanahay muhiimadda iyo khatarta saxafiga iyo saxaafadda? Diyaar ma u nahay in aynu ka qayb-qaadano horumarinta saxaafadda, sidoo kalena soo-saarno suxufiyiin xirfad, mas’uuliyad, waddaniyad iyo dul-qaad leh?

Waxa aan ku soo gunaanadi lahaa in maalintan “World Press Freedom Day” aynu ku xusno in dawladda, ururka suxufiyiinta iyo shacabba la iska kaashado aasaaska iyo hirgelinta MAC’HADKA TABABARKA SAXAFIYIINTA.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.