Liz Truss oo loo doortay ra’iisul wasaaraha xiga ee UK

UK – (WARSOOR) – Xoghayaha arrimaha dibadda Liz Truss ayaa loo magacaabay hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee Conservative Party, iyadoo la wareegtay awoodda ra’iisul wasaaraha Britain , xilli uu waddanku wajahayo qalalaase nololeed iyo hoos u dhaca.

Mr.Johnson ayaa lagu qasbay inuu ku dhawaaqo is casilaadiisa bishii Luulyo ka dib bilo fadeexad ah, wuxuuna Talaadada  u safri doonaa Scotland si uu ula kulmo boqorada Elizabeth oo uu u gudbin doono istiqaaladiisa.

Liz Truss waxay noqtay ra’iisul wasaarihii afaraad ee Konserfatifka tan iyo doorashadii 2015.