Laba Maayar Dhib Maleh Laba Madaxwayne Ayaan Ka Cabsi Qabaa!!

Xeer waxa loo samaystaa in lagu kala hagmo , qofna aanu ku gefin ka kale hawshiisa fikirkiisa iyo dhamaan arimaha uu gaarka u leeyahay ee u dhawran isaga. Qodobada u degsan dal marka la raaci waayo waxa burburya xeerkii dadka kala duwayay waxanay arintu isu rogaysaa jaantaa rogan sida imakaba Burco ka qaraxday meelo badan oo dalka ahna ka soo socota.

siciid_sheekhHanti badan ayuu xildhibaankastaa geliyay inuu golaha deeganka ku soo baxo u jeedadooda ahayd inay ka xoogsadaan waxana taas u fududaysay codka dadwaynaha ee ay ku fadhiyaan dawlada dhexe waxba kama doorin karto, waxay doonan inay sameeyaan way u banaantahay waayo dabar xidha malaha meel looga dacwoodana ma jirto aan ka ahayn inay bulshadu ka calaacasho caku maxaan u dooranay caalayashan caamada ah caloolaha madhan iyo kiishashka madhan dhaaminaya.

Dimoqraadiyada ka hor intii aanay cidiba is dooran jirin lama maqli jirin cidina may aqoon magacan maayar ee madaxwaynaha maanta ku dhadhow kaba sareeya mararka qaar. Shaqaale amar ku fadhiya kuna shaqeeya ayuu ahaa sida madaxwaynu wasiiradiisa u kala badalo ayuu maayarkana u badali jiray haduu maago. labaatan iyo shan gofane ayaa dawlada hoose ee Hargeysa subax noolba u soo kalaha si ay dhul danguud ah uga xaraashaan tijaarta dhiig miiratada ah , way helaan oo mid waliba dhariga laf uu kala baxo wuu helaa.

Hargeysa umadii ku noolayd  waxa loogu taagwaayay isk diiwaan geliya si aad doorashada  codkiina u dhiibataan  waxa quusta ku riday umadii dalka ku noolayd waa kuwii ay bacadka u taagnaayeen ee codkooda ku soo baxay inay xaga jeebkooda mooyane dhan kale inay dayaan iska diiday. Burco waxay maanta leedahay  laba maayar oo iska soo horjeeda waxana saldhig u ah murankaas wax soo saarka Burco ayaa ku filaan waayay inuu daboolo baahida xildhibaanada bahloobay ee waxay dhuunta mariyaan maahane wax kale aqoon.

Taasi waxay keentay inay laba qaybood u kala goosmaan si ay afkooda wax ula helaana kooxwaliba maayar magacaabato. Warwar ayaa dad badani ka qabaan doorashada soo socotaa siday u ekaan doonto, inagoo arintaas xaqiijinteeda uga shidaal qaadanayna doorashadii golaha deegaanka ee Dawlada Axmed Siilaanyo qabatay wixii ka soo baxayna aynu marag ka nahay.

Codaynta soo socotaa way ka culays badantahay tii deegaanka halisteeduna waa toban jibaar, Xeer la raacaya ma jirto oo lagu kala baxayaa caqli ma jiro lagu kala baxayaa waa nin iyo damacii iyo taagtii iyo tamartii.

Waxay dad badani ku taliyeen in golahan deegaanka dhamaantood la kala diro doorasho danbena aanay cidi gelin ee wado kale la raadiyo maxaa yeelay wax dawaani kama soo jeedo kuwii hore ee la doortay kuwa da sii danbeeyana way ka sii daraan.

Halistu marba marka ka sii danbeeya ayay sii kordhaysa maankuna wuu diidaya inaad qabatinto wax dhib mooyee aan dheefba kugu soo kordhinayn. Doorasho iyo dimoqraadiyad dad aan aqoonba u lahayn dawlad aqoon u lahayn , boobka iyo dhaca dhexdooda xalaashaday waxa loo qaatay sidoodii hore inay iska ahaadaan  kolba hadaan inay ka sii xumaato maahane ka soo raynayn inta caqli fayow oo runta ku nool dhalanaayo doorashadu waxay daminaysaa iftiinka yar ee inoo baxaya     Xuseen Waraabe.

Saeed Sheikh Abdi <ssheikhabdi@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.