“Kuma Qanacsanin Xukunka dilka ah ee Dowladda india ay ku riday dhalinyaradda Soomaaliyeed “

Garowe – (warsoor) – Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in Xukumadda Federaalka Soomaaliya aysan ku qanacsanayn xukunka dilka ah ee dowladda India ku riday dhalinyaradda Soomaaliyeed ,madaama aysan helin fursad ay iskaga difaacaan eedaymaha loo soo jeediyey.

rashiid

“Xukumadda Soomaaliya kuma qanacsana xukunka dowladda India ay ku riday dhaliyaradda Soomaaliyeed ee ku xirnaa xabsiyadda dalkaasi, qof kasta oo la xukumayaa  waxa uu xaq u leeyahay in uu helo xukun ku dhisan Cadaalad , sidaa daraadeed waxaan aaminsanahay in muwaadiniintaas Soomaaliyeed aysan helin Cadaalad, iadoon fursad loo siinin in ay qabsadaan qareeno u doodda ama ka difaaca eedaymaha loo haysto “ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.

Sharma’arke ayaa tilmaamay in xukumadu ay kala hadli doonto dowladda India Xukunka ay ku riday dhalinyaradda Soomaaliyeed,isla markaana ay kala xaajoon doonto dadka soomaaliyeed ee ku jira xabsiyadda dalkaasi sidii ay ku heli lahayeen dar-yeel  iyo xukun cadaalad ah .

“ Dowladda india waxaan kala hadli doono dhalinyaradda ku jirta Xabsiyada Dalkaasi sidii ay u heli lahayeen dar-yeel  iyo xukun ku salaysan Cadaaladda ,waxan sidoo kale la wadaagi doonaa in xukumadda Soomaaliya ay aaminsan tahay xukunkii lagu riday dhalinyaradda Soomaaliyeed in uusan ahayn mid Cadaaladda ah, waxayna  xaq u lahaayeen muwaadininta Soomaaliyeed ee ku xiran Xabsiyada dalkaasi in ay helaan fursad ay isku difacaan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya .

Mudane  Sharma’arke  ayaa ugu danbayntii xusay in xukumadda Soomaaliya ay dadaal wayn ku bixinayso sidii dhaliyaradda Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyadda Caalamka ay u heli lahayeen xukun ku dhisan Cadaalad, isla markaana ay qayb ka mid ah xukun-koodda ugu qaadan lahayeen Xabsiyadda ku yaalla Dalka soomaaliya.

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.