Kooxda TPLF oo ku baaqday xabbad-joojin

ITOOBIYA – (WARSOOR) – Taliyaha xooggaga Tigray ee dhawaan la wareegay magaalada Mekelle, Jeneraal Tsadkan Gebretensae, ayaa ku baaqay xabbad-joojin heshiis lagu yahay iyo in xal siyaasadeed laga gaaro colaadda gobolkaas.

Waxa uu u sheegay wakaallada wararka ee Reuters in dowladda Itoobiya ay ku guulaysan weyday dagaalka, haatanna la joogo xilligii ay dhinacyadu geli lahaayeen wadaxaajood ku aaddan xabbad-joojin buuxda.

“Waxaan isu xakameyneynaa si xal siyaasadeed looga gaaro mushkiladda oo dhan. Waxaan jeclahay in Beesha Caalamka ay fahanto xaaladda taagan,” ayuu yiri Jen. Tsadkan.

“Haddii la waayo xal kale, waxa xiga ee aan sameyneyno ayaa ah in aan arinta ku wajahno cudud milateri,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ra’iisal wasaare Abiy oo Isniintii khudbad u jeediyay baarlamaanka Itoobiya ayaa sheegay in aan looga adkaan dagaalkii Tigray, balse taa bedalkeeda aad loo wiiqay awoodda TPLF.

Waxa uu tilmaamay in ka bixitaankii Mekelle uu ahaa mid bil la qorsheynayay oo tashi badan ay geliyeen.

TPLF ayaa horay ugu gacan-sayrtay xabbad-joojin dhinac ah oo ay ku dhawaaqday xukuumadda Addis Ababa kadib markii ay ciidamadeeda kala baxday Mekelle.

Jananka ayaa ku eedeeyay xukuumadda Abiy inay diiddan tahay in gargaar la gaarsiiyo Mekelle iyo deegaannada kale ee Tigray, eedeyntaas oo ay beenisay Addis Ababa.