Taliska AFRICOM oo ku wareejiyey Gadiid dagaal Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed

MUQDISHO – (WARSOOR) – Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Gadiid Dagaal kala wareegay Taliska Ciidanka maraykanka “AfRICOM” Ee Hawlgalka U joogga Soomaliya.

Gadiidkan ayaa waxa Loogu Tala galay in ay ku Hawlgalaan Ciidanka kumandooska danab ee Xoogga dalka soomaliyeed

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage aya uga mahad celiyay Taliska Mareykanka ee AFRICOM Gaadiidkan ay kusoo wareejiyeen.

Sarakiil u hadashay Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika ee AFRCOM ayaa sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo inta badan Gobolada dalka ka wada howlgallo ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.