Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland iyo xisbiyada qaranka oo yeeshay kulan ku saabsan dar-dargelinta doorashooyinka Qaranka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa Kulan ku saabsan arrimaha doorashada la qaatay Axsaabta Qaranka.

War-kasoo baxay guddida doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa lagu sheegay inuu ku saabsanaa ama lagaga hadlay xeer-Nidaamiyayaasha iyo habraacyadii ay u sameeyen Xulida Musharixiintooda, kuwasoo ah talaabo uu waajibiyey Xeer Lr. 91/2020.

Qareenada Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa iyaguna Axsaabta u sharaxay Hannaanka Xeerku dhigaayo inay Axsaabtu u maraan xulida murrashixiintooda.

Garyaqaanka komishanka doorashooyinka qaranku waxa kale oo ay faah-faahin ka bixiyeen tayayntii iyo Waafajintii Xeer Lr. 91/2020 ee ay ku sameeyeen Hab-raacyadii iyo Xeer-Nidaamiyayaashii Xulida Musharixiinta ee ay Axsaabtu Komishanka doorashooyinka qaranka hore ugu soo gudbiyeen.

Ugu dambayn garyaqaanada komishanka doorashooyinka qaranku sheegeen inay diyaar u yihiin in ay xisbiyada qaranka taageero ka siiyaan wixii farsamo ahaan ah ee ku saabsan sidii ay Foomamka Musharixiintooda ay ka buuxbuuxinayaan ay u noqonayaan kuwo dhammaystiran oo si buuxda u waafaqsan Xeer Lr. 91/2020.