Kenya oo sheegatay in ay dishay Maleeshiyaad Shabaab ah

Muqdisho – (warsoor) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay dishay Dagaalyahanno ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab ka dib howlgal ay ka fulisay degaanno ka tirsan gobolka Gedo.

Sarkaal u hadlay ciidamada Difaaca dalka Kenya ayaa sheegay in diyaarado Helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada Kenya ay duqeeyeen Saldhigga Al- Shabaab ee degaanka War-Gaduud oo u dhow degmada Ceelwaaq ee gobolka gedo.

Sarkaalkaasi oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta Kenya ayaa xusay in duqeyntii ka dhacday degaanka War-gaduud lagu dilay taliye ku xigeenkii maleeshiyaadka Al-Shabaab ee gobolka Gedo ninka lagu magacaabo Cali Shangalow.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay sarkaalkaasi u hadlay ciidamada Kenya in ay dileen tiro kale oo Al-Shabaab ah, oo ku sugnaa Saldhigga la duqeeyay.

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.