Kabtannada xulalka England, Wales, Belgium, Denmark, Germany iyo Netherlands oo Joojiyey Qorshihii ahaa in ay soo xidhaan Astaanta Qoomka Halaabey

Kabtannada xulalka England, Wales, Belgium, Denmark, Germany iyo Netherlands ayaa ka laabta qorshihii ahaa in ay soo xidhaan Astaanta lagu taageero dadka Qoomu luudka ah.

Ka laabashada arrintan ayaa timi ka dib markii loogu goodiyey in la siin doono Kaadhka huruudda ah haddii ay garoonka la soo galaan Astaamahaas oo laga mamnuucay Koobka Adduunka ee xalay ka bilaabmay dalka Qadar.