Jabuti iyo Qaraamada Midoobay oo ka wada hadlay Arrimaha Yeman

Jabuti – (warsoor) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuti, ahna afhayeenka Xukuumadda Jabuti Mahmuud Ali Yusuf, ayaa la kulmay  ergayga gaarka ee Qaraamada Midoobay u qaabilsn Arrimaha dalka Yeman Ismaaciil Walad Sheekh Ahmed.

Kulunkaasi oo ka dhcay Caasimadda dalka Jabuti  waxay Labada dhinac uga wada hadleen arrimaha iyo dagaalada ka socoday dalka Yeman, dadaalka Qaraamada midoobay ay uga jirtay sidii loo dhameyn laha dagaalkaasi laga soo bilaabo bishii March sanadkii 2015-kii.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Mahmuud Ali Yusuf ayaa ergayga u sheegay inuu dalkiisu aqoonsan yahay Madaxweynaha sharciga ah ee dala Yeman Abdi Rabbu Mansur Hadi,isla markaana ay soo dhaweynayo dadaalada Qaramada Midoobay ee ku wajahan soo afjarida dagalkaasi oo khasaaraha badan geystay.

Dhanka kale Ergayga gaarka ee dalka Yeman Ismaciil Walad Shekh Ahmed. Ayaa isna kulankaasi ka sheegay inay Qaraamada midoobay ugu baaqayso dhinacyada dirirtu ka dhaxeyso ee dalka Yeman inay soo fariistaan miiska wada hadalka si loo gaaro xal.

SONNA/Mukhtaar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.