Israel oo dishay 12 ruux iyo Woqooyiga Gaza oo la geeyay gargaar

QASA – (WARSOOR) – Ciidamada Israel ayaa woqooyiga Gaza ku dlay 12 ruux oo gargaar doon ah,xilli gawaari kolonyo ah oo sidday shixnad mucaawino ah la gaarsiiyay bartamaha.

Dilka ama weerarka lagu fuliyay dadkaasi rayidka ah,gaar ahaan haween iyo carruur sugaayey sahay gaegaar ayaa ka dhacay deegaanka Deir el-Balah oo ku taalla bartamaha Qaza.

Sida laga soo xigtay muuqaallo iyo goob-joogayaal ayaa tilmaamaya in ay jiraan tiro badan oo dhaawac ah oo ay geysteen ciidamada Israel,kadib kolkii ay weeraro ku qaadeen Deir el-Balah.

Saddex iyo toban baabuur oo ah kuwa xamuulka qaada ayaa si nabad ah ku gaaray Jabalia iyo magaalada Gaza, kuwaas oo calaamad u ah kolanyadii ugu horreeyay ee ka socdaalay koonfurta una gudbay waqooyiga Marinka Qasa iyada oo aan wax shil ah dhicin kadib afar bilood.

Dhinaca kale, wadahadallada xabbad-joojinta ayaa suurtagal ah in manta ay dib uga bilowdaan Dalka Qatar, iyadoo wafdi Israa’iili ah oo uu hoggaaminayo madaxa sirdoonka Mossad la filayo inay Hamas kala hadlaan qorshe saddex marxaladood ah oo lagu soo afjarayo dagaalka.

Ugu yaraan 31,553 falastiiniyiin ah ayaa la dilay 73,546 waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israel ee Gaza tan iyo Oktoobar 7.

Tirada dhimashada Israa’iil ee weerarkii Xamaas ee Oktoobar 7 ayaa mareysa 1,139 iyada oo ay jiraan tiro badan oo  maxaabiis ah oo la heysto.