Islaam-ka aan ku faafino Aqoon iyo Xigmad

Maanta ilaa shalay, waxaa baraha bulshada wareegayay warar sheegaya in mid ka mida Macalimiinta Ajaanibka ah ee Jaamacadda Barwaaqo ay tahay Gabadh Diinta Christian-ka sheekhad ku ah.

Markaa waa iga su’aale; Tolow ma jiraa Wadaad ama Waranle Reer Somaliland ah, oo isku diyaarinaya in uu wanaaga Islaam-ninada iyo xaqiiqada Diinta Islaamka u bandhigo gabadhaa Joy Isa ee Madaxda ka ah Jaamacaddaa Barwaaqo?

Dadka gaalada ah ee dalkeena jooga, inaga ayuu xil inaga saaranyahay in aynu Macaanka Diinteena Islaamka u-bandhigno, inaga oo si xigmadi ku jirto u ilaashanayna diinteena, ubadkeena iyo umadeenana ugu ababinayna Islaam-nimada.

Midda labaad ayaa ah, sidee ayaynu bulsho ahaan ugu qaabaysanahay in dhaqankeenu noqdo dhaqan soojiidasho leh, oo dadka fikir ahaan iyo diin ahaan ba inaga aragtida duwani ay u dareemilahaayeen wanaaga, ixtiraamka iyo akhlaaqda wanaagsan ee Islaam-nimadeena?

Bulshadeenu waxa ay ahayd bulsho dadka aqoonta leh masaladii sharaxaad u baahan waydiisa. Sidoo kale waxa aan ahayn bulsho lala noolyahay oo dhaqanka dawladnimada casriga ah, ganacsiga casriga iyo waxbarashada maadiga ah ba, waxa aynu wax-badan ka dhaxalnay dar aan inala diin ahayn oo uu ugu horeeyo gumaystihii Ingiriisku. Tusaale waxa aan u soo qaadanayaa Joyn Dryson oo ka mid ahaa dadkii dadkii maamulka Gumaystaha Ingiriiska ka midka ahaa ilaa dabayaaqadii 1940-kii. Markii uu inbadan ka shaqaynayay umaddeena dhexdeeda iyo dawladeheenii kala danbeeyay aakhirkiina Islaamay isaga oo Magaciisu yahay Idiris Cabaas. Waxaana 2016-kii lagu aasay Xabaalaha Masalaha ee Hargeisa isaga oo Muslim ah.

Ku-darso oo meelo badan oo aduunka ah Islaam-nimadu, waxa ay ku gaadhay hab-dhaqankii wanaagsanaa ee ganacsatadii Islaamka; oo akhlaaqdoodii iyo amaanadoodii wanaagsanayd darteed. Dhaqan-wanaaga umadda Islaamka wadama uu ku gaadhay waxaa ka mida Indonesia 🇮🇩 iyo Kenya 🇰🇪 oo xataa ay saamayn ku yeesheen luuqadoodii (Sawaaxiligu taariikh ahaan muu ahayn luuqadii rasmiga ahayd. Sawaaxiligu waa luuqad ka dhalatay isdhexgalka Carabiga iyjj ok luuqadii lagaga hadli-jiray Xeebaha Kenya)

Markaa dadkeena iyo dhaqankeenu sidaas ayuu dulqaad iyo soo dhawayn u lahaa ee maanta oo aqoontii badatay, uamadda wacyigeediina isbadalay, waa maxay sababta ay bulshadeenii u noqotay bulsho aan u dulqaadan karin qof ajaaniba oo dhexdeena macalin ka ah? Maxaynu u aaminay in qof ajaaniba oo macalin u ah ama maamul u ah arday 20-30 jir oo Jaamacad ku jirta la gaalayn karo?

Waxa aynu nahay umad Alle swc Islaam dhigay. Awood aynu leenahay Islaam kumaynu noqon, ee naxariis Alle iyo nimco Alle swc ina siiyay darteed ayaynu Islaam ka-awoow, ka-awood ku ahayn. Waana waajib guud oo ina saaran in aan diinteena ilaashano. Waxa ay masuuliyad gaar ahi saarantahay marba Hogaanka umadda (Madaxwaynaha) iyo xukuumadda umadda u talisaa in ay siinteena ilaaliso, umadana samaha ku hagto.

Xukuumadu masuuliyaas gudashadeeda way ka badheedhay oo waa kii Madaxwaynaha Qaranku sheegay, in uu isagu masuul-kayahay ilaalinta Diinta iyo Dastuurka umadda.
Waxaad halkaas ka garankartaa in aanay marnaba suurtogal noqonayn in ay jirikarto in raali laga noqdo in ay cidi faafiso diin aan ahayn diinta Islamka.

Wixii aqoon iyo iskaashi aan la wadaagayno umaddaha kale ee aduunka uga habranmayno, in ay diinteena diin ka duwan ay haystaan ama caabudaan.

Aqoontu waa dhaxalka kaliya ee ina Nabi Aadam (csw), ka dhaxaysa. Gaalo gaar uma laha, Islam-na gaar uma laha. Markaa aan aqoonta aduunyada kale inagu dhaamo ka faa’iidaysano, oo aan isku diyaarino in aan soo saarno aqoonyahano Reer Somaliland ah, oo aqoon iyo Islaam-nimo aduunyada u dhoofiya, oo aanay aqoontoodu ku koobnayn uun yooyootan iyo waa layna gaalynayaa.

By Omer-sayid Qalonbi.

This post is also available in: Somali

Share via
Copy link
Powered by Social Snap