Ciidamada xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay dhagar qabayaal ka tirsan argagixisada

Muqdisho – (WARSOOR) –  Guutada 6-aad Qeybta 60-aad ee ciidamada xoogga dalka ayaa xalay howlgal qorsheysan waxay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Howlgalka oo ay ciidamadu ka fuliyeen Goorsarow oo hoos yimaada Tuulada Buula-mareer ayaa waxay ku dileen labo ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, waxayna ciidamada sioo kale, gacanta ku dhigeen walxaha qarxa iyo labo qori oo ay wateen dhagar qabayaashii la dilay, kuwaas oo ay doonayeen in ay shacabka ku dhibaateen.

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ciidamada qaranka ay wiiqeen awooddii kooxda nabad-diidka ah ayaa waxay bilaabeen weerarro u badan qaraxyo miino ay la beegsadaan dadka rayidka ah.