Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI oo Ka Deyriyey Xaaladda Abaareed ee Goballada Bariga+Qeylo-dhaan uu u Kala Diray Xukuumadda iyo Beesha Caalamka

Hargeysa – (warsoor) – Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa qeylo-dhaan abaareed ka diray abaaraha ka jira deegaanada bariga Somaliland, waxaana uu shacabka Somaliland, Xukuumadda iyo beesha caalamka ba uu ka codsaday in ay u gurmadaan dadkaas ay saameeyee abaaraha xooggani.

waddani

Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, waxaana uu hadalkiisii u dhignaa sidan: “Waxaan jecenahay in aan baaq ka dirno abaaraha qaybo kamid ah dalka oo badan runtii saameeyey iyo roob yarid  runtii  xiligii la filayey dib uga dhacday,oo aan doonayno in aan dunida ugu baaqno dalka ugu baaqno,haddii ay tahay dadka reer somaliland, haddii ay tahay xukuumadda, haddii kale oo ay tahay Xisbiyada kale in aan dhammaan ugu baaqno in laga qayb-qaato abaaraha loo gurmado ,anaguna xisbi ahaan anigoo ku haddlaya afkii Xisbiga,waxaanu ka qayb-qaadan  u diyaar garoobayna sidii aanu uga qayb-qaadan lahayn,waxaanan jecelnahay in aan gaadhsiino dadka Xisbiga WADDANI iyo dadka reer somaliland ee danaynaya guud ahaan dadkaa dhibaataysan oo aan aaminsanay  runtii intooda badani ee naxariistu ugu jirtaa in ay wadda danaynayaan in ay ka qayb-qataan, dadka muxsiniinta ahi in ay ka qayb-qataan oo ay qayb libaax ka qataan, dadka wax haystaa in ay ka qayb-qataan,xukuumadda  oo ah masuuliyada koobaad cida ay ka saaran tay qaranka in ay ka qayb-qatado ayaanu ugu baaqaynaa oo jecelnahay in ay si wacan uga qayb-qataan,waxaanu jecenahay ha’yadaha caalamka iyo dunidu in ay ka qayb-qataan guddo iyo debad waxaan jecenahay in aan ugu baaqno, baaq rasmi ah oo Xisbiga anoo afkiisa ku haddlay aanu ku soo saarno,in abaarahaa laga qayb-qaato oo loo gurmado dadkaas ay tabaleeyeeen iyo xoolaha ay tabaleyeen”Ayuu yidhi Xirsi.

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi:”Waxa muuqta oo laga soo werinayaa dhacdooyin ay xoolihii baxayaan oo dadkii runtii ay noloshoodu halis gelayso , jiido badan oo bari iyo galbeed-ba leh ayaa laga soo waramayaa oo lagu sheegayaa abaarahaa,dadka reer somaliland meel kasta oo uu joogo qurbe iyo gudo ` mid wax haysta iyo mid aan wax haysan, waxaan leenahay haloo gurmado, cod dheer ayaanu gu baaqaynaa in loo gurmado, anaguna xisbi ahaan waxaanu qorshaynaynaa  oo aanu ka fadhinaa  oo maanta aanu qorsheheegii wadd-naa sidii aanu anana uga qayb-qaadan lahayn mid degaanka jooga iyo mid halkan jooga iyo mid qurbe jooga ,waxaanu leenahay ka qayb-qaata, si xibina waanu uga qayb-qadanaynaa si fardiyana waxaanu leenahay halooga qayb-qaato qof waliba meesha uu joogo ugu qayb-qadanaynaa ,ka somaliland ahaan dhammaan waxaanu ugu baaqaynaa leenahay dadkeena tabaalaysan ee aabruhu  tabaleeyeen ee u baahan in la gaadho aan wax gaadhsiino  qof waliba wixii uu hayo ee awooda ha gaadhsiiyo. Waxa ayaan darro ah  oo aan qirayaa in ay ayaan darro  qarankeena ku habsatay tahay in billo yar ka hor  roob ka cabanaynay,haddana aynu maanta abaar ka cabanayno,iyadoo haddan wax yar ka hor abaartu dad laysay ,waxaynu leenahaywaxa mihiin ah  qaranka in aynu u tashano  oo sidii aynu ugu tashan lahayn falawgeed qabano in ay’naan maalin walb ku jirin uun qayla-dhaan ee aynu talo uga gudub-no.” Ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Waaxda Warfaafinta WADDANI

Hargeysa, Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.