Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI oo Caawa Kulan Afureed Looggu Magac Daray FOORAHA GUUSHA WADDANI u Sameeyey Dhallinayarada Xilalka Kala Duwan Ka Haysa Xisbigaasi

Hargeys – (warsoor) – Kulan afur ah oo looggu magac daray Fooraha Guusha WADDANI isla mar ahaantaana hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan uu ku maamusayey qaar ka mid ah xoogaga dhallinyarada Xisbigaasi ee xilalka kala duwan ka haya, ayaa caawa ka qabsoomay hotel Ambassador ee Hargeysa.

Kulankan oo afurkii ka dib qaatay muddo saacado ah, ayaa ujeedkiisu daarnaa siddii dhallinyarta Xisbiga WADDANI ay cudud ahaan iskugu tiirsanaan lahaayeen sida oo kale na door muuqda uga qaadan lahaayeen siddii ay ka dhallinyaro ahaan u muujin lahaayeen awoodooda si loo xaqiijiyo guusha uu Xisbiga WADDANI rajeynaayo doorashada Madaxtooyada Somaliland ee fooda inagu soo haysa bilo ka dib.

Qaar ka mid ah dhallinyarta oo ay ka mid ahaayeen Madaxa Ololaha WADDANI Xamse Kheyre, guddoomiyaha garabka dhallinyarada WADDANI Md.Maxamed Siddiiq, xoghayaha duulista ee Xisbigaasi Nuuradiin Diini, Madaxa hawl-wadeenada Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Garyaqaan Baashe, Aqoonyahan Cabdiqaadir Iidle, Aqoonyahan Mustafe Baaruud, xoghaye ku xigeenka Warfaafinta WADDANI Md.Ilkacase, Kaaliyaha arrimaha Warbaahinta Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Muniir Axmed Cigaal, guddoomiyaha Golaha Dhaxe ee Xisbigaasi Cismaan Afgaab, dhallinyaro iyo aqoonyahan kale oo dhammaantood ba halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u soo dhaweeyey kulankaasi sida oo kale na sheegay in ay guntayaan weedhahii, dardaarankii iyo talooyinkii uu halkaas uga guntay hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI, iyaga oo tilmaamay in ka dhallinyaro ahaan ay si weyn u qaadan doonaan doorkooda ku aadan ka xisbi ahaan siddii ay u xaqiijin lahaayeen himilada Xisbiga WADDANI ee Doorashada inagu soo socota.

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa ugu horreyn boggaadiyey dhallinayarada Xisbiga WADDANI meel kasta oo ay joogaan, isaga oo ku amaanay doorka muuqda ee ay kaga jiraan hawlaha Xisbiga WADDANI, waxaana uu sheegay in maanta la gaadhay wakhtigii doorashada ee dhallinyarta ku abtirsata Xisbiga WADDANI ay sii laban laabi lahaayeen dedaalkooda ay habeen iyo maalin ba ugu jireen xaqiijinta himilimada Xisbiga WADDANI, isaga oo halkaas ka soo jeediyey hadalo iskugu jiray tilmaan, dardaaran iyo talooyin ku aadan doorka ay dhallinyaradu ku leedahay Xisbiga WADDANI iyo waxyaabaha laga rajeynaayo mustaqbalka dhow oo uu sheegay in loo baahan yahay siddii dhallinyarada Xisbigaasi ay u muujin lahaayeen cududooda taageero ee Xisbiga WADDANI.

Warfaafinta Xisbiga WADDANI

Hargeysa,Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.