Dubai – (warsoor) – Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Cali Xuseen Ismaacil (Cali Shoombe) ayaa sheegay in dhawaan la soo gabo-gabayn doono dhamaystirka heshiiska u dhexeeya Somaliland iyo shirkadda DP World ee Casriyeynta ku samayn doonta dekedda Berbera.
Wasiirka oo maanta soo saaray war-saxafadeed toos ah ayaa shaaca ka qaaday in hawshii heshiiska Dekedda Berbera ee isaga xubno golaha wasiiradda ka tirsan oo ku sugan Dubai ay wadaan uu dhawaan la dhamaystiri doono.
Wasiirka Cali Shoombe ayaa sheegay in heshiisku gabo-gabo ku dhow yahay dhawaanna ay bulshadda Somaliland maqli doonaan war wanaagsan oo ku saabsan heshiiskaas
HALKAN KA DAAWO WAR-SAXAAFADEEDKA WASIIRKA:
This post is also available in:
Somali