Hay’adda Qurbajoogga Somaliland oo ka qaybgashay kulanka 59aad ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dalxiiska (UNWTO)

Hargeysa – (warsoor) –  Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ayaa kadib martiqaad ay ka heshay UNWTO (World Tourism Organization) iyo Wasaaradda Dhaqanka & Dalxiiska ee Dawladda Federaalka Ethiopia ka qaybgashay kulankii 59aad ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dalxiiska oo lagu qabtay Sheraton Addis Ababa,19-22 April, waxana isugu yimi shirka wufuud ka socotay dhammaan wadamada xubnaha ka ah ee Afrika iyo dalal kaleba oo wasiirro iyo masuuliyiin kale horkacayeen,  hay’ado kala duwan, ururo iyo shirkado heer qaran (Ethiopia)  iyo sharaaiig caalami ahba isugu jiray.

Waxa ka mid ahaa ergada lagu soo martiqaaday shirka ku dhawaad 20 wasiirro dalxiis oo ka socday wadamada xubnaha ka ah ee Afrika, agaasimayaal guud, diblomaasiyiin,  hawlwadeenno sarsare iyo khabiiro ka socday wasaaradaha dhaqanka iyo dalxiiska ee inka badan 50 wadan. Sidoo kale, waxa ka soo qaybgalay oo door weyn ku lahaa shirka wefti ballaadhan oo metelayay Shiinaha – maamulka heer qaran ee dalxiiska, (China National Tourism Administration), shirkado caalami ah oo ku shaqo leh socdaalka iyo arrimaha dalxiiska kana mid ahaayeen Global Tour International Travel Service Co. Ltd,  Alliance Tourism Consulting, Asia-pacific AVIAREPS, iyo shirkado kale oo caalami ah.

Shirkan oo uu metelayay dawladda Somaliland Agaasimaha Fulinta Hay’adda Qurbajoogga  Xasan Axmed Yuusuf; kuna wehelisay Xoghayaha 2aad ee Safaaradda Somaliland ku leedahay Ethiopia Marwo Ladna Raabbi ayay weftiga Somaliland uga faaiidaysteen fursadda inay la kulmaan oo xidhiidh la sameeyaan dhinacyo kala duwan oo ergada shirka isugu timi ku jiray, gaar ahaan wadamada Ethiopia, Nigeria, Kenya, Sudan, Niger, Democratic Republic of Congo, Morocco, Cape Verde, Seychelles, Togo,  Mali, Zambia, Central Africa, South Africa, Ghana, Benin,  iyo dalal kale, sidoo kale, Waaxaha Isuduwidda Qurbajoogga, Haweenka iyo Dhalinyarada (Gender), Ururinta Macluumaadka/Tirokoobka Statistics), Oggolaanshaha (Accreditation) ee Wasaaradda Dhaqanka & Dalxiiska Ethiopia, Hay’adda Dalxiiska Ethiopia.

Agaasimaha Fulintu waxa uu sidoo kale kulamo la qaatay xubno ka mid ah  masuuliyiinta Hay’adda UNTWO kuwaasoo uu ka mid ahaa Agaasime-ku-xigeenka, Agaasimaha iyo Xoghayaha Guud, Mudane Taleb Rifai, waxanu ka codsaday inay u oggolaadaan dawladda Somaliland goob-joogenimo (Observer) ama xubnaha aan joogtada ahayn iyadoo xubnaha UNWTO ee Afrika ka tirsanyihiin Ururka Afrika. Si gaar ah, Agaasimaha Fulinta Hay’adda Qurbajoogga Somaliland wuxu si kooban ugala hadlay Wasiirka Dhaqanka & Dalxiiska Dawladda Federal-ka Ethiopia Marwo Hirut Woldemariam sida loogu baahanyahay in la abuuro iskaashi iyo xidhiidh wada shaqayneed oo xooggan oo labada Wasaaradood ee labada wadan Ethiopia iyo Somaliland yeeshaan, iyo in weliba dhinaca Ethiopia u fidiyaan Somaliland taageero iyo gacan qabasho xagga tababarada aqoonta farsamo ee maamulka iyo maaraynta arrimaha dalxiiska, cilmi-baadhista iwm, isla markaana la xoojiyo wadaagga aqoonta iyo waaya aragnimada labada dhinacba, isu socodka iyo is dhexgalka xagga dalxiiska ee labada wadan ee walaalaha ah  Somaliland iyo Ethiopia.

Dhinaca kale, Agaasimaha Fulinta Hay’adda Qurbajooggu wuxu booqashadan aad ugu kuur galay    waaya aragnimada dawladda Ethiopia ee xagga dhiirrigelinta doorka qurbajoogga ee maalgashiga dalkooda, habka adeegga, hannaanka shaqo iyo isuduwidda amuurahan ee dhammaan Wasaaradaha, heer qaran illaa heer gobol iyo deegaan taasoo ay dawladda Somaliland waxbadan kaga dayan karto. Agaasimaha Fulinta Hay’adda Qurbajoogga Somaliland wuxu maalintii shirka ka horraysay booqasho khaas ah ku tegay xarunta Wasaaradda Dhaqanka & Dalxiiska Ethiopia oo si diirran loogu soo dhaweeyay, isla markaana uu kulamo saacado qaatay la yeeshay waaxo kala duwan, isla maalinta waxa kale oo uu kulan la qaatay Guddoomiye-ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Dawladda Federal-ka Ethiopia, Mudane Maxamed Nuuradiin.

Weftiga Somaliland waxay uga faaiidaysteen fursaddan inay si weyn ugu soo bandhigaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo ay ku qaybiyeen inka badan 200 nuqul oo xogo iyo macluumaado daabacan oo ku saabsan taariikhda Somaliland, qadiyadda Somaliland, guulaha ay gaadhay iyo danaha Somaliland, nuqullo ka mid ah qorshihii horumarinta Somaliland ee 1aad, xogta khayraadka dalxiiska Somaliland, shaqada Hay’adda iyo xogta qurbajoogga Somaliland, buugga warbixinta wada-hadallada Somaliand iyo Somaliya iyo buugaag kale. Ka soo qaybgalayaal badan ayaa aad u xiisaynayay oo qaatay, isla markaana su’aalo badan ka waydiiyay weftiga Somaliland oo wakhti ku bixinayay inay u jawaabaan oo sharraxaad iyo faahfaahin ka bixinayay nuxurka xogaha kala duwan ee ku saabsan Somaliland ee shirka lagu qaybiyay.

Waxa iyana xusid mudan in Agaasimaha Fulinta Hay’adda Qurbajoogga Somaliland uu mudadii shirkani socday waraysiyo kooban siiyay wariyayaal ka socday ilo warbaahineed oo ka duwan sida Ethiopian Herald iyo African News Channel. Hay’adda Warbaahinta Ethiopia (EBC) ayaa iyaduna maalintii koobaad ee shirka uu wariyihii ka socday xusay ka soo qaybgalka Somaliland ee Shirkan.

Qaramada Midoobay ayaa u asteeyay sannadka 2017 inuu noqdo sannadkii horumarka dalxiiska taabba-gashan (2017 year of  sustainable tourism development), waxana la tilmaamay ahmiyadda uu dalxiisku u leeyahay dadka iyo dalalkaba, horumarinta dalxiiska xagga shuruucda iyo kaabayaashaba, sida loogu baahanyahay in qaramadu ka wada shaqeeyaan, lana dhiirrigeliyo iskaashiga iyo isu socodka wadamada Afrika. Dawladda Kenya ayaa ka dhawaajisay inay fududaynayso helitaanka fiisaha lagu tegayo dalkeeda si ay u kasbato dalxiisayaal badan. Waxa la qiyaasay in guud ahaan qaaradda Afrika ay ka heshay 3% kaliya dalxiiska caalamka sannadkii 2015-tii inkastoo ay hadana hodan ku tahay dhulka booqashada ku habboon iyo khayraadka dalxiiska balse ay jiraan caqabado badan oo dib u dhigayaa. Dhinaca kale, waxa laga hadlay inay wadamada Afrika uga faaiidaysan karaan dalxiisayaasha tirada badan ee Shiinaha hadba sida ay isugu diyaariyaan gaar ahaan xagga bixinta adeegyada iyo kaabayaasha la xidhiidha sida hudheellada ku habboon, heerka soo dhawayneed ee goobaha adeegga, dadka u tababaran dalxiis gaynta iyo shirkadaha xagga socdaalkaba0 (Tour guides, tour operators, travel agencies, visas etc). Sidoo kale, barashada luuqadda Shiinaha ayaa la dhiirrigeliyay, waxanay gaar ahaan sheegtay dawladda Ethiopia in seddex jaamacadood oo ku yaalla Addis Ababa ay bixiyaan fursado waxbarasho luuqadda Shiinaha ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.