Gudoomiyaha Xisiga UCID Oo Soo Kormeeray Goobaha Diinwaangalintu Ee Deegannada Hoos Taga Degmooyinka Salaxley Iyo Sabo-Wanaag

Hargaysa – (warsoor) – Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa safar qaatay labo cisho, ku soo maray Deegannada Hoos taga Degmooyinka Salaxley iyo Sabo-wanaag Ee Gobolka Maroodijeex .

Ujeeddada Safarka Gudoomiyaha ayaa ku qottontay sidii uu Gudoomiyuhu ugu kuur gali lahaa una soo kormeeri lahaa goobaha Diinwaangalintu ka socoto ee Deegannadaasi.

IMG_0081

Waxaana Gudoomiyaha Safarkan ku wehelinayay Afhayeenka Guud Ee Xisbiga UCID Mudane Maxamed Shabaash, Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee UK Maxamed Jaamac Koodbuur, Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid C/Naasir Yuusuf Cismaan (Qodax), Xoghayaha Arrimaha Bulshada Ee Ucid C/raxman Axmed Cali, Xoghayaha Golaha Fulinta Axmed Xasan Kuwiik, Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada Mudane C/qani Ibraahim Salaf, Xoghayaha Warfaafinta Mudane Yuusuf Kayse C.laahi, Gudoomiyaha XIsbiga Ucid Ee Gobolka Maroodijeex Cabdi Dool Kaariye.

Dhamaan Deegaannadii ay mareen Waftigani, ayaa waxay kala kulmayeen soo dhaween balaadhan oo ahayd mid ay bulshadu iskeed isu xilqaantay, waxaanay laga dheehanayay Bulshada Deegannadaasi sida ay ugu faraxsanyihin Kormeerka Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, maadama aanay jirn ilaa hadda masuuliyiin soo kormeera oo soo ogaada xaaladdooda rasmiga ah.

Gudoomiyaha ayaa Goob walba dul tagayay, isagoo xog-waraysanayay Madaxda Goobahaasi si uu u ogaado habsami u socodaka hawlaha Diinwaangalinta, isagoo intaas ka dibna u gudbinayay talooyin ku aaddan muhimadda Diinwaangalinta iyo sidii ay bulshada uga dhaadhicin lahaayeen.

IMG_9642

Sidoo kale wuxuu ku boorinayay masuuliyiinta Goobaha Diinwaangalinta in ay si fiican ugu adeegaan bulshadooda.

Waxaa xusid mudan in bulshada Deegaanka Qotton-dabo ay dalbadeen in muddo kordhin loogu sameeyo muddada Diinwaangalinta, iyagoo sabab uga dhigay Bulshadii Deegaankasi oo u hayaamay wakhtiyadii abaaraha meelo aad u durugsan.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo u khudbadeeyay Bulshada iska diinwaangalinaya Deegannadaasi ayaa ku dheeraaday qiimaha Diinwaangalinta Cod-bixiyayaashu u leedahay, isagoo ku dardaaray in ay si mug leh uga qeyb qaataan Diinwaangalinta.

Geesta Kale Gudoomiyuhu wuxuu soo kormeeray Cusbitaal Dhismihiisu ka socdo Deegaanka Labi Sagaala, waxaanu Gudoomiyuhu u ballan qaaday in uu Lacag Dhan 2000, Dollar (Laba Kun Oo Dollar) kaga qeyb qaadanayo Dhismaha Cusbitaalkan.

Odayaasha iyo Madax Dhaqameedka Deegaankaasi ayaa sheegay in ay Gudoomiyaha u bandhigeen Dhismaha Cusbitaalkan, isla markaana ay aad uga mahad naqayaan sida uu ugu dhago nuglaaday ee uu uga qeyb qaatay Dhismaha Cusbitaalkan.

Si kastaba ha ahaatee Safarkan kormeerka ahaa ee uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe tagay  Deegannadaasi ayaa ahaa mid ku soo dhamaaday Guul.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.