Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ayaa Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta masuul cusub u magacaabay gudoomiyaha degmadda Widhwidh ee gobolka Buuhoodle.
War-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga KULMIYEoo uu ku saxeexan yahaya gudoomiyaha xisbigu ayaa u dhignaa sidan, “Ujeeddo:Magacaabista Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Degmada Widh-Widh, Gobolka Buuhoodle.
Kadib markii aan arkay muhiimadda xilkan heer Degmo u leeyahay habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, waxaan u magacaabay masuulka magaciisu hoos ku qoranyahay in uu noqdo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Degmada Widh-Widhee Gobolka Buuhoodle, laga bilaabo maanta oo bishu tahay December 26, 2016.
- Mukhtaar Ismaaciil Xaaji Axmed (Dabay) – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Degmada Widh-Widh ee Gobolka Buuhoodle.
- Waxa aan u rajaynayaa Guddoomiyaha in Alle ku asturo xilkaa iyo masuuliyadaa uu u qaaday bah-weynta Xisbiga KULMIYE ee Degmada Widh-Widh ee Gobolka Buuhoodle”.
This post is also available in:
Somali