Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo Ka Hadlay Iscasilaadii Garsoorka Gobolka Awdal

Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa sheegay in gudoomiye cusub loo magacaabay maxkamadda racfaanka ee gobolka Awdal sidoo kalena dhawaan la soo buuxin doono garsoorayaasha baneeyey jagooyinka garsoorka.

gudoomiyaha-max-sare-735x400

Gudoomiye Aadan Xaaji Cali oo ka hadlay cidda lagu badalay garsoorihii iska casilay maxkamadda racfaanka ee gobolka Awdal ayaa yidhi, “Maxkamada racfaanka ee gobolka Awdal waxaanu u magacawnay Maxamede Siciid Saaweer oo hada ahaa garsoore ka tirsan maxkamada racfaanka ee gobolka Awdal, waxaanu mudo sano ka badan ahaa gudoomiyihii maxkamada degmada Boorama, garsoorihii hore-na waxa uu sheegay inuu is casilay ka dib markii ay baadhis ku sameeyeen guddida cadaaladu kuwaas oo go,aamiyey in laga badalo maxkamada racfaanka gobolka Awdal ka dib cabasho badan oo ka timid iyo mudada baadhistu socoto”

Gudoomiye Aadan Xaaji Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay garsoorayaal kale oo Jimcihii shalay iska casilay bahda cadaalada ee gobolka Awdal.

Gudoomiyaha ayaa yidhi, “Guddida cadaaladu sida ugu dhakhsaha badan  ayey u soo buuxinaysaa boosaska ay baneeyeen xubnaha kale ee sheegay inay is casileen, waxa wadanka jooga muwaadiniin badan aqoon iyo khibradba u leh hawlaha garsoorka oo bilaa camal ah, garsoorka gobolka Awdal iyo guud ahaan garsoorka dalkuna maanta maalin uu ka fiican yahay ma jirto, qofkuna marka uu shaqadiisa ka soo bixi waayo  maaha inuu ku gabado waxbaa qaldan”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.