Gudoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga Somaliland Oo Taobobar U U Furay Hawl-Wadeeno Ka Tirsan Komishankaas

Hargeysa – (WARSOOR)  – Gudoomiyaha Komiishanka Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq Maasuqa Dayib Aadan Xaaji Cali ayaa Tababar u furay shaqaale ka tirsan Komiishanka maamul wanaaga.


Tababarkan oo socon doona mudo toban cisho ah waxaa soo qaban qaabisay Waaxda Cudduda shaqaalaha waxaana ugu horayn halkaasi ka hadashay Agaasimaha Waaxda shaqaalaha ee Komiishanka Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq Maasuqa Khadra Yuusuf Guuleed waxayna sheegtay in Tababarkani uu u qaybsamo 7 qaybood isla markaana casharo muhiim ah lagu qaadan doono Waxayna ku guubaabisay Xubnaha ka qayb galay in duruusta ay ka kasbadaan ku dabaqaan shaqo maalmeedka ay Qaranka u hayaan.


Axmed Kayse oo ah Khabiirka Tababarka bixinaya ayaa ka waramay mudnaanta ay leedahay in la dhiso aqoonta shaqaalaha waxaanu sheegay in tababarkani muhiimad u leeyahay shaqaalaha ka qayb qaadanaya.

Gudoomiyaha Komiishanka Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq Maasuqa Dayib Aadan Xaaji Cali ayaa tilmaamay in Waajibaadka Komiishankani qaranka u hayo ay ka mid tahay inuu baadho wixii ku tagrifal awood maamul sidoo kalena uu saxo wixii khilaaf ah ee soo kala dhex gala Mas’uuliyiinta laamaha dawlada sidaa darteedna ay waajib tahay in kor loo qaado aqoonta shaqaalaha Komiishankani u leeyihiin Maamul wanaaga Waxa uu gudoomiyuhu xusay in Tababarkani uu qayb ka yahay qorshaha sannadeedka 2021 ee Komiishanka Maamul wanaaga.

Dayib Aadan X. Cali wuxuu kula dardaarmay shaqaalaha tababarkan ka qayb qaadanaya duruusta ay ka kasbadaan ay ku dabaqaan shaqo maalmeedkooda.