Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Md. Saleebaan Maxamud Aadan oo maanta Arbaca ah shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa ayaa si cad u sheegay in doorashaddu madaxweynaha iyo golaha wakiiladdu ay dhici doonaan wakhtigii lagu heshiiyey.
Gudoomiyaha oo wax laga waydiiyey hadalo maalmahan la isla dhex maraayey oo sheegaayey in doorashadda madaxweynaha iyo ta golaha wakiiladda Somaliland aanay suurto-gal ahayn in mar la wadda qabto.
Gudoomiyaha Saleeban ayaa sheegay in doorashaddu madaxweynaha iyo ta golaha wakiiladduba ay dhici doonaa wakhtigii lagu heshiiyey.
This post is also available in:
Somali