Gudoomiyaha Baanka Dhexe oo Shirkadaha Isgaadhsiinta uga digay Jebinta go’aanadii Sicir bararka

Hargaysa – (warsoor) – Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cali Ibrahim Jaamac Baqdaadi ayaa Warsaxaafadeed uu maanta soo saaray waxa uu uga digay Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Telesom, Somtel Dahabshiil iyo Golis Somaliland aanay mobiladooda ku diri karin Wixii lacag ah ee ka yar 100 dollar.

Gudoomiye Baqdaadi ayaa sheegay in Shirkadaha Isgaadhsiinta Telesom, Somtel Dahabshiil iyo Golis Telecom Somaliland ay adeegyadooda Zaad, E-Dahab iyo Sahal ay diraan Lacagta ka yar 100$ taasina ay caqabad ku tahay la dagaalanka Sicir bararka, ilaalinta iyo dejinta Shilling Somaliland Isla markaana ay burinayso go’aanadii hore Xukuumadda Somaliland uga soo saartay Sicir bararka .

Warsaxaafadeedkan oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wakaalladda wararka Solna ayaa u dhignaa sidan:-