Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland oo shaaciyey Shirkado ku guulaystay Mashaariic xukuumaddu hirgelinayso gobollada dalka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland ayaa shaaciyey Shirkado ku guulaystay Mashaariic xukuumaddu hirgelinayso oo ay guddidu tartan u qabatay shirkadihii dhisi lahaa dhismayaashaasi.

Guddoomiyaha guddida qandaraasayada Qarnaka Nuux Maxamed Xuseen oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in saddex shirkadood ay ku guulaysteen masharaaiic laga fulin doono gobolada Sool, Maroodi-jeex iyo Awdal waxaanu intaa ku daray in saddexda mashruuc ay ku tartameen todobaatan shirkadood wuxuuna shaaciyey shirkadaha ku guulastay mashaariicdaasi, isaga oo sheegay in dhismaha xayndaabka garoonka diyaaradaha ee Boorama ay ku tartameen 41 shirkadood kuna guuleysatay shirkada dhismaha ee Brothers.

Dhismaha hoolka farsamada gacanta ee Adhi-cadeeye ee gobolka Sool waxa ku tartamay 12 shirkadood, iyada oo ay ku guulesatay Shirkada Dhismaha ee Kasmaaal.

Dhismaha hoolka xeer ilaalinta ee Hargeysa waxa ku tartamay 17 Shirkadood waxaana ku guuleysatay shirkada dhismaha ee Bulaale.

Gebogebadii waxa halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah mas’uuliyiintii shirkadihii ku taratamay kuwii guulestay iyo kuwii laga guulastayba waxaanay dhamaan sheegeen in ay ku qanacsan yihiin sidii xalaasha aheyd ee tartankaasi u dhacay, iyada oo ay ballan qaadeen shirkadihii guulastay in qaranka ay u dhisi doonaan dhismayaal tayo leh hadii ALLE idmo.