Gudoomiy Cirro Muxuu Ka Yidhi Madashii Lagu Soo Dhaweeyey Garabkii Isbahaysiga KULMIYE

Hargeysa – (warsoor) – Waxaa maanta magaaladda Hargeysa xaflad soo dhawayn la loogu sameeyey isbahaysigii garabka KULMIY ee u badnaa Wasiiradda oo dhawaan ku biiray xisbiga WADDANI. Xafladan saaka lagu qabtay huteel Ambassador ee magaaladda Hargeysa waxa khudbad ka jeediyey gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

img_1083

Halkan ka akhriso ama ka dawaao khudbadii Gudoomiye Cirro:

Heshiiska halkan laga akhriyey ee aanu saxeexnay(Heshiiska isbahaysiga KULMIYE iyo WADDANI), waxa aanu balan-qaadeynaa annaga oo wada WADDANI ah oo Isbahaysi iyo WADDANI aan kala ahayn in aanu si wada-jir ah gacmaha isku qabsan doono siddii uu  u fuli lahaa arrintaas aanu idiin sheegnay, marka labaad waxa aan jeclahay in aan idin xasuusiyo in wadanka ay abaaro ka billaabmeen , qofkastaana wuu tukadaa ee salaad kasta aynu Illaahay uga barino in uu roob khayr qaba ina siiyo.”.

Runtii kelmadahu waa ay igu yar yihiin aan ku cabiri lahaa farxaddeyda maanta oo shalay farxad bay ahayd, maanta na way ka sii weyn tahay, waxa aan si qalbi furan oo laab furan aan Xisbiga WADDANI ugu soo dhaweynayaa raga halkan ku sawiran, hablaha iyo inta kale ee ka maqan een sawiraddoodu halkan ku oolin ee Isbahaysiga ah, cududoodii na halkan ku soo biiriyey, waxa aan lee yahay waa Xisbi aan maanta laga lahayn ee soo dhawaada.”.

Walaaleyaal ragga halkan joogaa, rag xilal doonaya may ahayn oo waxa ay hayeen oo ku fadhiyeen xilalkii qaranka ugu waaweynaa oo mid kastaaba xil buu ku fadhiyey, haddii ay xilal hayaan iyo haddii ay rabbaan ba halkaas bay joogi lahaayeen, se waa kuwii halkan ka sheegay badbaadada Somaliland oo ay doonayaan in ay ka badbaadiyaan maamul xumo ku timaada Somaliland, annagu na taas baanu la qaadanay, ragga halka joogaa maanta waxa ay yimaadeen Xisbi la wada lee yahay oon la kala lahayn, waxa ay yimaadeen Xisbi aan la is-garbinayn se la is garabsanaayo. Beryahan dambe KULMIYE aad buu u faanaa, faanka uu ku faana na waxa aan is lee yahay waa inta halkan maraysa wax-qabadkoodii, waxaana ay diyaar u yihiin in intii ay halkaa ka qabteen iyo in ka badan ba in ay halka na ka sii wadaan.”.

Walaaleyaal waxa aad ka war-qabtaan in Doorashooyinkii la kala qaaday hase yeeshee tii Madaxtooyada wakhtigeedii loo daayey, madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland oo isagu aan murashax ahayn waxa aan u soo jeedinaynaa in Doorashada xilligeedii la qabto isna odey iyo madaxweyne Somaliland ah, doorashada na si xalaal ah looggu tartamo. Qaranku wuxu u baahan yahay badbaado ragga halkan jooga iyo haween ka na waxa aanu kula shaqeyn doonaa badbaadadaas, dalka na waa aynu adbaadin doonaa marka aad idin kuna gacan nagu siisaan isha Allah.

Xisbiyada kale, waxa aan lee yahay marka Madaxweynahu uu innoo qabto Doorashada garoonku na waa uu innoo siman yahay ‘Al-miidaanu waa sic’, Qolyaha Isbahaysiga na waxa aanu ku heshiinay saami-qeybsiga ay ka helayaan Xisbiga haddii uu yahay gole dhaxe haddii uu yahay hoggaan, guddiyo fulin iyo haddii uu yahay xog-hayeyaal ba, saamigaas na waanu isku waafaqnay waana la isla qaatay.

Waxa doonaa in aan laba arrin caddeeyo oo beryahan dambe kuwa warxumo tashiilka ah, waxa aanu soo kordhinay xil cusub oo la yidhaahdo hoggaamiy, waxa aan idiin sheegayaa xisbiyadu in ay korayaan, fadhiid na aanay noqon, qaab-dhismeedku na waxa uu u baahanayaa in wax laga bedelo sidaa daraadeed xilka guddoomiyaha Xisbiga WADDANI waa siddii sii, awoodihiisu na waa sidoodii, laakiin baahiyaha Xisbigu guddoomiye kaliya kuma koobna, sidaas daraadeed waxa la soo jeediyey in la sameeyo hoggaamiye lana waafajiyo xeerka Xisbiga, waxaana uu qeexayaa awoodaha kala duwan ee murashaxa, guddoomiyaha iyo hoggaamiyaha, waxa annaga oo ah guddoomiyaha iyo hoggaan ka ba waxa aanu idiin cadeynaynaa in aanu u xisbiga u siman nahay oo taladiisa wada lee nahay, idin kuna aad na la lee dihiin, maanta na aanu jirin doonin Xisbi dambe oo la kala tashanaayo, kala tashiga waxa aynu ku bedelaynaa wada-tashi.

“Nabad-gelyada haddii aan eray ka idhaahdo, waxaan sheegi lahaa in odey xikmaawi ah oo halkan ka hadlay uu soo koobay oo uu yidhi reer WADDANI maanta laga bilaabo iyaga ayaa nabad-gelyada ka mas’uul ah, markaa nabad-galyada innaga ka mas’uul ah, sida caadiga ah xukuumadda ayaa nabad-galyada ka mas’uul ah se halkii mucaaradku ka mudaharaadi lahaayeen xukuumaddii baa mudaharaadaysa, markaa haddii ay xukuumaddu mudaharaaday waa in aynu innagu mudaharaadkaas joojinaa.”.

“Illaa xalay xukuumadda KULMIYE waxa ay ka shiraysay in ay shirka joojiso, taas oo sababi karaysay isku dhac iyo gedood shacbi, markaa xukuumadda waxa aanu uga digeynaa in aanay mas’uul ka noqon dhacdooyin iyo falal amni darro sababa, waxa aanu diyaar u nahay in aanu amniga kala shaqeyno ciidamada Qaranka, war-werka WADDANI na waxa weeye siddii uu daryeeli lahaa ciidamada Qaranka ee halkan laga sheegay maanta oo aynu ognahay heerka uu gaadhsiisan yahay daryeel la’aantoodu.”.

“Waxa aanu u soo jeedinaynaa guddida doorashooyinka Qaranka in Doorashada la qabto wakhtigeedii, shacbiga iyo WADDANI ba waxa ay lee yihiin Doorasho dib u dhac ma leh, waxa aanu dooneynaa in Doorashada la qabto March 2017, waxa aynu ognahay in diiwaan-gelintii dhammaatay, waa guul qaranka u soo hoyatay in diiwaan-gelintu dhammaato, waxa innoo hadhay in liiska la soo saaro, waxa innoo hadhay in kaadhadhka la qeybiyo.”.

“Xidhiidhka beesha caalamka aynu la lee nahay in uu xumaado waxa ka mas’uul ah Xisbiga KULMIYE, in Doorashada la kala qaado iyaga ka mas’uul ah, xukuumaddu waxa ay balan-qaaday kharashka doorashada in ay bixinayso haseyeeshee waxa aanu xog-oggaal u nahay in xukuumaddu aanay illaa hada kharashkii bixinin, taasi na waxa ay khal-khal gelinaysaa oo ay cidhiidhi gelinaysaa in Doorashaddii qabsoonto, waxa aanu Komishanka u soo jeedinaynaa in ay caddeeyaan oo ay shacbiga u sheegaan in ay lacagtii heleen iyo in aanay helin, uma baahnin in shacabka la hoosaasiyo, uma baahnin in annaga la na hoosaasiyo, waxaana aanu xukuumadda u sheegaynaa in dib u dhac mar kale ku yimaada Doorashadu uu sababi karo kacdoon dadweyne.”

DAAWO:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.