Guddoonka Aqalka sare ee Soomaaliya oo kulan la yeeshay guddiga dastuurka ee baarlamaanka

Muqdisho – (warsoor) – Guddoonka aqalka sare ee baarlamaanka jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta kulan la yeeshay guddiga la socodka dib u eegista dhaqan gelinta dastuurka iyo arimaha federaalka ee labada aqal baarlamaanka  ka kooban kaas oo looga hadlay dardargelinta arimaha dib u eegista dastuurka.

Xarunta aqalka sare waxaa sidoo kale kulan ku yeeshay guddoonka iyo guddiyada joogtada ah ee aqalka sare ee baarlamaanka, waxaana looga hadlay dejinta qorshe howleedka aqalkaas.

Guddoomiyaha golaha aqalka sare baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa kulanka markii uu soo gaba gaboobay warbaahinta qaranka la hadlay  ayaa waxaa uu sheegay in kulankan uu qayb ka ahaa kulamadii ay gudiyada joogtada golaha aqalka sare  ay maalmahan u socday.

“Maalinta bari ee bishu ay ku beegan 6, August, waxaa bilaabanaya kulamadii xubnaha aqalka sare ee ay guda galayeen ajandayaasha horyaala si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo,” ayuu yiri guddoomiyaha.

12 Bishii Luulyo ee ina soo dhaaftay ayaa madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaliya uu furey kalfadhiga labaad ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.