Madaxweynaha maamulka Puntland oo Garoowe ku Qaabilay Saraakiil ka Socdey Hay’adda UNSOM

Garoowe – (warsoor) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socdey hay’adda UNSOM Soomaaliya oo uu hogaaminayey Mr. Simon West oo ah la-taliyaha guud ee dhinaca amniga UNSOM Soomaliya.

Kulankani ayaa waxaa Madaxweynaha ku welehelinaayey taliyaha ciidanka Booliska Puntland Cabdiqaadir Shire Faarax Ereg, waxaana kulanka lagaga wada hadlayey arrimo la xidhiidha isku dhafka ciidamada Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland ayaa ugu horayn masuuliyiintani kusoo dhoweeyey xafiiskiisa, waxaana uu u xaqiijiyey in maamulka Puntland hormuud u ahayd dhaaqjinta fekerka isku dhafka ciidamada Soomaaliya, isla markaana ay weli diyaar u tahay sidii looga gun-gaadhilahaa qorshaha qaran ee laga yeeshay isku dhafka ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa masuuliyiintani u cadeeyey in ay ka go’antahay sidii loo heli lahaa ciidan qaran oo isku dhaf ah, kuwaasi oo ka kala yimid dhammaan dawladdaha xubnaha ka ah Soomaaliya iyo DFS, isla markaana leh sumad Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Madaxwenaha ayaa xaqiijiyey in ciidan kaasi qaran ahaan doono sida qorshuhu yahay mid wax weyn ka bedelidoona marxaladda ay maanta ku jirto Soomaaliya, isla mar’ahaantaana u horseedi doona shacabka Soomaaliyeed nabad iyo nolol.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay Madaxda Soomaaliyed in xilgaara lasyka saaro dhismaha ciidan qaran oo sumad Soomaaliyeed leh, wadaniyadana, ka shaqeeya danaha Diintooda, dalkooda iyo dadkoodaba, isla markaana ay ka go’antahay sidii ay dalkooda uga difaaci lahaayeen cadawga tabarta yar ee Al-shabaab.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.