Guddoomiye Xisbiga WADDANI oo ka Hadlay Go’aankii Golaha Guurtida

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ka hadlay go’aankii geesinimada lahaa ee golaha guurtiddu ka gaadheen is waafajinta doorashooyinka isku sidkan ee golayaasha degaanka iyo wakiillada.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.”Waxa aan ku bogaadinayaa Golaha Guurtida waajibka sharci ee ay guteen maanta, maadaama ay is waafajiyeen mudda xileedka Golaha Wakiilada & soo jeedintii Axsaabta Qaranka, KDQ iyo Madaxweynahaba ee cayimaadda doorashada, arrintani waxa ay soo afjartay ismarin waa’ siyaasadeed iyo kala aragti duwanaanshiiyo ra’yi oo muddo soo jiitamaysay.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas ku daray. “Dalkeenna Somaliland waxa uu u dhaqaaqay oo uu cagta saartay jidka doorasho muddo dheer la sugayey oo ah doorasho isku sidkan taariikhda markii kowaad, doorasho fursad weyn siinaysa da’yar badan oo u hammuun qabtay in ay mar’uun wax doortaan iyagana la doorto, doorasho fursad weyn siineysa in haweenkeenna ay soo galaan Golayaasha Qaranka, doorasho fursad weyn siineyn in ay helaan Beelaha Gabooye metalaad sharci ah.

Ugu dambeyn, waxaa midho dhalay xikmaddii lagu majiiran jiray Jamhuuriyadda Somaliland ee ahayd isu-tanaasul, wada-hadal & isafgarad in wax walba lagu dhammeeyo.”