Guddoomiye KULMIYE oo  Taageeray Go’aankii Labada Gole ku Ansixiyeen Saldhigga Militeri ee Berbera, Farriin Adagna u Diray Guddoomiyaha WADDANI

Gabiley – (warsoor) – Guddoomiyaha xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynenimo ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay go’aankii ay dhawaan labada gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Golaha Wakiilladu ku meel mariyeen mariyeen inay xukuumadda Somaliland la gasho dalka Imaaraadka Carabta heshiis u ogolaanaya inay saldhig millateri kaga samaysanayaan madaarka Berbera, waxana uu si weyn usoo dhaweeyey go’aankaas, isaga oo dadka dhaliilayana digniin adag u diray.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo maanta fagaaraha Khayriyada Gabiley kala hadlay shacabka reer Gabiley oo soo dhaweeyey isaga iyo wefti uu hoggaaminayey oo ka soo laabtay dalka Itoobiya, waxa uu caddeeyey in xisbiga KULMIYE si buuxda u taageersan yahay qorshayaasha maalgashiga dalka ee Madaxweyne Siilaanyo wado oo uu ka go’aankani ka mid yahay, waxaannu yidhi, “Xisbiga KULMIYE waxa uu garab taaganyahay hoggaankiisa aasaasay xisbigan oo Madaxweynihii dalkan afh oo halyeygii SNM ahi guulaha waaweyn iyo mashaariicda uu dalka hore ugu marinayo, kuwaas oo ay ugu dambaysay mashruuca saldhigga Berbera oo dad badani ka qayliyeen.”

Guddoomiyuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu tilmaamay inuu Madaxweyne Siilaanyo go’aankaas u talo badsaday, isla markaana uu horgeeyey labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada si uu u bayaamiyo xalaalnimada heshiiskaas, “Madaxweynuhu iyada oo distoorku awood u siiyey inuu heshiis soo galo, kadibna uu goleyaasha ka ansixiyo waxa uu ka door biday isaga oo talo-wadaagga iyo tixgelinta dadkiisa eegaya inuu qodobadii uu heshiiska kula geli lahaa dawladdaas aynu heshiiska gelayno inuu qoddobadii oo aannu weli saxeexin ayuu labada gole soo hordhigay, taasina waa waayeelnimo iyo dimuqraadiyad waxaanu yidhi ka taliya oo wixii xunna ka saara wixii wanaagsanna igu raaca, horena looma arag Madaxweyne awooddiisa u gudbiya sidaas oo kale,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi, waxaannu intaa sii raaciyey, “Labadii gole waxay ku ansixiyeen 144 cod, mashruucaasina waxa uu noqday mid la isku raacay oo intii Qaranka metelaysay ee saddexdii gole ee Guurtida, Wakiillada iyo kii dawladduba isku raaceen oo  horumarka dan u ahaa, caalamkana sida dimuqraaddiyadda lagaga dhaqmo marka hore fikradda timaada waa laga tashadaa, marka la codeeyo ee talada la qaatona ninka ka daba hadlaa waa fidmo-wade aan doonayn in hore loo socdo.”

Waxa kaloo uu sharraxay awoodda iyo heerka meeqaamka uu lahaa fadhigaasi lahaa, waxaannu yidhi, “Labada gole labadoodii Guddoomiye ayaa fadhiyey, saddexdii madaxda qaranka ahaa ee hab-maamuuska distoorka lahaa oo kala ah Madaxweynaha, Guddoomiyaha Guurtida iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka (Wakiillada) ayaa meesha fadhiyey, labadii gole oo yeedhistooda distoorku ogolyahay in waqtiyo cayiman loo yeedhaana meeshay fadhiyeen iyaga oo boqol iyo dhawr iyo toddobaatan ahi.

Waan soo dhaweynayaa go’aankaa ay labada gole gaadheen, dadka warbaahinta ka hadlona waxaanu leenahay marka arrinku dhammaado ka daba taggiisu sax maaha, haddii aynu KULMIYE nahayna waxa inoo ballan ah oo aynu ku wada soconaa horumarinta dalkeena Bari ilaa Galbeed iyo inaynu wax wada lahaanno oo is aaminno.”

Murrashax Muuse Biixi Cabdi waxa uu dhaliilay dadka naqdiyey heshiiskaas, xillli sharciga la waafajiyey, isaga si gaar ah ula hadlay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Cirro oo uu ayaan-darro ku tilmaamay go’aanka uu qaatay, “Waxa nasiib-darro ah oo aan caalamka hore loogu arag Guddoomiye Baarlamaan oo baarlamaankiisii uu hoggaaminayey marka ay codkii isku raacaan aqlabiyadoodu ka baxa golaha caalamka waa kow, dimuqraaddiyaddana meel-ka-dhac ayey ku ahayd, mana aha siyaasad hufan oo ilbax ah, Guddoomiyaha Baarlamaanka, afarta ka baxay fadhiga iyo inta ka daba qaylinaysa ee xisbigiisu ma waxay garan la’yihiin inuu distoorku qorayo halka aqlabiyaddu (majority) maro in la raacayo.

“Sidee bay ku dhici kartaa in ninkii hab-maamuuska saddexaad ee dalka ahi inuu distoorka ka horyimaado oo uu fagaare intaasi fadhiyey ee uu hoggaaminayey ka dhaqaaqo, sidee buuse xisbigaas dhammi ugu badheedhayaa inuu ku gefo oo uu yidhaahdo haddii taydii la yeeli waayey waxba kama jiraan oo halkii aan doonaan ka qaylinayaa, taasina maaha sidii uu qaranku ku heshiiyey iyo distoorkii, WADDANI-na waxan leeyahay waad garanaysaan halka ay majooratigii mareen, madaxweynaha maanta ee dalkuna ma aha nin lagu tuhmayo inuu dhibaato dalka u horseedo, naftiisana dalka wuu u huray,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiye Muuse waxa uu sheegay inaan Madaxweyne Siilaanyo looga baqo qabin inuu dalka wax aan u dan ahayn ku dhaqaaqo, isaga oo WADDANI-na uga digay inay ka hor yimaadaan wixii ay goleyaashu isku raaceen, “Ragga maanta Siilaanyo taas ku caayayaa miyaanay ahayn raggii 20-ka sanno Somaliland meel walba ku soo gawracayey ee meel walba kaga soo horjeeday, raggaas labaatanka sanno Somaliland ka soo horjeeday ee  gole walba soo joogay inay maanta yidhaadaan waxaas iyo waxaas baa dhacay taas ka dhegaysan mayno.”

Ugu dambayntii waxa uu Guddoomiyuhu uga digay masuul ka tirsan maamulka Muqdisho oo dhawaan ka hadlay saldhigga millateri ee Imaaraadka Berbera ka dhisanayo, waxaannu tilmaamay inay Somaliland arrimaheeda u madax bannaan tahay oo aanay cid kale go’aamadeeda u daba fadhiisanaynin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.