Guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka JF Soomaaliya oo la doortay

Muqdisho – (warsoor) – Xildhibaan Cabdi Weli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa maanta loo doortay inuu noqday guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamanka Soomaaliya halka Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka loo doortay xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad.

Muudeey ayaa wareeggii sadaxaad ee doorashada kaga adkaaday xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ay ku tartameen isaga oo helay 161-cod, halka Faaraax uu ka helay 93-cod, sida uu ku dhawaaqay Guddiga Doorashada.

Dhanka kale Doorashada Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la soo gaba gabeeyay, taas oo ay ku tartameen Labo Musharax Wareega sadaxaad.

Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad Mahad C/lle Cawad oo helay 171-cod ayaa noqday Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka.

Musharaxa guuleysanaya ayaa waxaa looga baahnaa inuu helo codadka 139-ka mid ah xildhibaanada baarlamanka.

Guud ahaan 259 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa codeeyey doorashadii maanta, sida uu sheegay guddoonka KMG ah ee baarlamanka Soomaaliya.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.