Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo Xil Muhiim Ah U Magacaabay Siyaasi Shucayb Maxamed Muuse Oo Dhawaan UCID Ku Biirtay

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddoomaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe’ ayaa Xil muhiima u magacaabay Siyaasi shucayb Mohamed Muuse oo Xilal Wasiir iyo Maayar hore uga soo qabtay Xukuumaddaha Xisbiga Kulmiye balse dhawaan Xisbiga UCID oo sido kale uu Murashax ka yahay ku soo biiray.

Guddoomiyaha xisbiga caddaaladda iyo daryeelka ee Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ‘ ayaa Wareegtadan cusub ee maanta uu Xilka ugu nagacaabay Siyaasi Shucayb Maxamed Muuse waxay ahayd in Xilka Xoghayaha Beeraha ee Xisbiga Mucaaridka UCID ka dib markii Guddoomiye Faysal uu ku qancay aqoonta iyo Kartidiisa.