Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddida Garsoorka, Cadaaladda, Shuruucda iyo Xuquuqda Aadama ee Golaha Wakiillada JSL

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa Isniinta maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddida Garsoorka, Cadaaladda, Shuruucda iyo Xuquuqda Aadamaha ee Golaha Wakiillada JSL, oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha guddidaasi Xildhibaan Yaxye Cabdilaahi Aamin oo ay wehelinayeen guddoomiye ku xigeenka guddida Xildhibaan Fu’aad Axmed Diiriye, Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, Xildhibaan Khadar Cali Xakiim iyo xoghayaha guddida Cabdiraxmaan Jaamac Nuur.

Kulanka dhex maray guddoomiyaha iyo guddida oo ahaa kii koowaad ee ay yeeshaan, ayaa diirada lagu saaray xoojinta iyo dardar-galinta wada shaqaynta ka dhaxaysa, hay’adda Garsoorka iyo golaha Wakiillada JSL, waxaana si qoto dheer loogu lafa guray geedi socodka togan ee hay’adda Garsoorka dalka iyo doorka toolmoon ee ay kaga jirto u adeegida bulshada. Guddoomiyaha ayaa guddida uga waramay dib-u-habaynta lagu sameeyay hannaanka guud ee Garsoorka iyo kor-u-qaadida aqooneed lagu sameeyay bahda garsoorka, waxaanu hoosta ka xariiqay in ahmiyad weyn la siiyay dedejinta dacwadaha iyo maaraynta cabashooyinka dadweynaha, oo loo asteeyay maalmo sugan oo iyaga u gaar ah.

Geestooda guddida ayaa uga mahadceliyay guddoomiyaha Maxkamadda Sare kulanka ay la yeesheen, waxaanay soo dhaweeyeen waxqabadada taabagalka ah ee u suurtagalay hay’adda Garsoorka dalka sannadihii u danbeeyay, waxaanay bogaadiyeen dedaalada lagu fidinayo adeega garsoorka ee guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka. Ugu danbayn waxay balan qaadeen in ay xoojinayaan geestooda wadashaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa hay’adda Garsoorka iyo Golaha Wakiiladda JSL.

Wa bilaahi tawfiiq

Ibraahin Maxamed Cali
Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare.