Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo sheegay in adeegga Garsoorka la gaarsiin doono guud ahaan dalka

Muqdisho – (warsoor) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Avv. Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii garsoorka loogu baahin lahaa guud ahaan dalka, ayna xoojin doonaan sidii loo tayen lahaa adeega garsoorka ee dalka, si bulshada ay u hesho cadaalad.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay kulan looga hadlayay horumarinta adeega garsoorka ayaa tilmaamay inay xoogga saarayaan sidii Garsoorka loogu baahin lahaa guud ahaan dalka.

“Garsoorka iyo Cadaaladda waxaa ka shaqeeyaa hay’ado, qaar waa kaabayaal, qaarna waxa ay u yihiin laf dhabar, Cadaaladdu wey balaarantahay, cadaaladdu waxa ay taabaneysa waxkasta oo nolosha muhiim u ah, sida maamulka, waxbarashada, hadaba sida Garsoorka looga rabo in uu howshiisa cadaalad ka shaqeeyo, si taas la mid ah qofkasta looga baahanyahay inay Cadaaladda ka shaqeeyaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka.

Avv. Ibraahim Suleymaan Daahir ayaa hadalkiisa ku daray “Hay’adaha kaabo Garsoorka waxaa ka mid ah, Xeer Ilaalinta, Xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Ururka Qareenada, marka waxaa noo qorsheysan inaan xoojino horumarinta adeegga Garsoorka iyo Cadaaladda, si bulshada u helaan adeeg Garsoor oo Cadaalad ku dhisan”

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.