Guddoomiyaha Maxkamada sare oo sheegay inuu bilowday qorshe lagu tayaynayo Maxkamadaha

Kismayo – (warsoor) – Maxkamadda sare ee Dalka ayaa sheegtay iney billowdeen qorshe lagu tayeynayo Maxkamadaha dalka, xilli Guddoomiyaha Maxkamadda sare & Xeer Ilaaliyaha guud ay socdaal ku tageen dowlad-goboleedka Jubbaland.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Ibraahim Iidle Saleebaan ee uu wehliyo Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta Maxkamadaha Jubbaland ee heer gobol iyo heer degmo waxaana hadal uu madashaas ka jeediyey guddoomiyaha Maxkamadda sare uu ku sheegay in socdaalkooda uu la xiriiro tayeynta iyo isku xirka Maxkamadaha dalka, iyadoo qorshaha koowaadna haatan laga billaabayo Dowlad-goboleedka Jubbaland.

max1

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Md. Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa carrabka ku adkeeyey in ay lagama maarmaan tahay Cadaalad-falidda iyo in la helo go’aamo dhax-dhaxaad ah oo sharciga ku dhisan, wuxuuna kula dardaarmay garsoorka Maxkamadaha Jubbaland iney u cadaalad falaan dadka shacabka ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa sheegay in Guddoomiyaha Maxkamadda Jubbland iyo xeer Ilaalaiyahaba uu guddoonsiin doono Buug muhiim u ah howlaha garsoorka ay bulshada u hayaan Maxkamadaha.

Wefdiga dowladda federalka ayaa intii ay joogeen Jubbaland waxay kormeereen xaruntii hore ee Maxkamadda gobolka oo uu ka muuqdo burburka dagaalladii sokeeye iyo weliba Xabsi cusub oo imminka laga hirgelinayo xeebta Koboora ee magaalada Kismaayo, taasoo dhismaheeda uu hadda socda, waxeyna kulamo la qaateen Madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta kale ee dowlad-goboleedka Jubbaland, iyagoo ugu dambeyn dib ugu soo laabtay gelinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho.

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.