Guddoomiyaha Cusub ee Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer oo Xilka la Wareegay

Burco – (warsoor)- Guddoomiyaha cusub ee Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer Md. Ismaaciil Xalane Daahir, ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay Guddoomiyihii hore ee Xisbiga Suldaan Xasan Cabdillaahi Axmed (Mataan).

Xaflad ballaadhan oo xil-wareejinta labada Guddoomiye loogu sameeyey magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer xalay, waxa ka qaybgalay xubno hoggaanka sare ee xisbiga ah oo uu horkacayey Guddoomiye-ku-xigeenka labaad Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, maamulka Gobolka Togdheer iyo boqolaal dadweyne ka mid ah taageerayaasha KULMIYE ee Gobolka Togdheer.

Wasiirrada Wasaaradaha Macdanta iyo Tamarta, Shaqogelinta iyo Arrimaha Bulshada – Md. Jaamac Xaaji Maxamuud iyo Marwo Hidan Jaamac Gaani, Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Md. Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Md. Nuux Maxamed Xuseen, Badhasaabka Gobolka Togdheer Md. Maxamed Diiriye Xayd, xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo madasha ka hadlay, ayaa ammaan ku sagootiyey Guddoomiyihii hore ee xisbiga, soona dhaweeyey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Togdheer.

Ugu dambayntii, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa xilka u kala wareejiyey labada Guddoomiye, waxanu ku sagootiyey duco iyo dardaar ku wajahan hawlahooda shaqo ee mustaqbalka.