Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland Oo Todoba Degmo Oo Dalka Ah Ka Bilaabantay

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Ayaa Maanta Safar shaqo ku tagay xarunta gobolka Awdal ee Boorama.

Sida uu ku soo waramayo wariye Abokor Xasan Caafi, oo wakaaladda wararka Somaliland ee solna uga soo warama gobolka Awdal, waxa uu sheegay guddoomiyaha guddida doorashooyinka qaranku Cabdirashiid Maxamed Cali (Cabdirashiid Rayo-raac) in kormeerkiisu la xidhiidho diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka oo maata si rasmi ah uga bilaabantay degmo doorashooyinka gobolka Awdal iyo degmooyin ka tirsan gobolka Maroodi-jeex, isaga oo intaas ku daray inuu kormeerkiisa ku tagi doono degmooyinka, Tuulooyinka iyo gaabaha ay ka socoto diiwaangelinta codbixiyeyaashu.

Waxa kale, oo uu sheegay guddoomiyaha guddida doorashooyinku in gobolka Awdal ay joogaan guddoomiye ku xigeenka guddida doorashooyinka iyo xubin ka tirsan guddidaas oo halkaas u jooga in ay xaliyaan wixii cilad farsamo ah ee yimaada inta ay socoto diiwaangelintu, wuxuuna tilmaamay in ay ka diyaar garoobeen ciladaha dhanka farsamada ah ee imankara, isaga oo intaas raaciyey in hawl-wadeenadii loo baahnaa ay diyaar ku yihiin goobaha haddii qalabka ciladi ku timaado.