Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Muqdisho-(WARSOOR)-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator  Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa kulan gaar ah la qaatay Safiirka cusub ee Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Marwo Kate Foster.

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo safiirka ayaa waxaa ay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalku marayo iyo sidii xal looga gaari lahaa arrimaha ku hor gudban doorashooyinka la filayo in dhowaan ay dalka ka qabsoomaan.

Labada mas’uul ayaa isla meel dhigay arrimo ay ka mid yihiin hanaanka ugu haboon ee lagu sii wado karo dadaalada loogu jiro sidii wax waara looga gaari lahaa arrimaha doorashooyinka dalka.