Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland Oo Shaaciyey Shirkadda Ku Guuleysatay Xabbsi Laga Dhisi Doono Bariga Hargeysa

Hargeysa – (warsoor) – Guddida qandaraasyada qaranka Somaliland ayaa shaaciyey shirkadda ku guuleystay dhismaha xabsi ay dawladdu ka hirgelinayso bariga caasimadda Hargeysa.

Waxaana goojoog ka ahaa mas’uuliyiinta guddida qandaraasyada qaranka, taliye ku xigeenka ciidanka asluubta Somaliland iyo dhammaan shirkadihii ku tartamaayay mashruucaas, ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka Nuux Maxamed Xuseen, oo sheegay in mashruucaas ay ku soo tartameen 21 shirkadood isla markaana ay ku guuleysatay mashruucaasi shirkadda Aflax Construction, waxuuna kula dardaarmay shirkaddaasi in ay qaranka u dhisto xabsi tayo leh oo mustaqbalka loo Aayo.

Geesta kale, taliye ku xigeenka ciidanka asluubta Somaliland oo isna goobtaas ka hadlay ayaa u mahad celiyay guddida qandaraasyada qaranka sida hufnaanta leh ee ay u kala saareen shirkadihii u soo tartamay mashruucaas.

Muuse Faarax Jaambiir oo ka tirsan xubnaha guddida qandaraasyada qaranka ayaa ugu baaqay shirkadda ku guuleysatay mashruucaas in ay xil iyo mas’uuliyad iska saarto fulinta mashruucaasi.

Ugu dambayntii waxa halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah shirkadihii kasoo qayb galay tartanka oo sheegay in ay ku qanacsan yihiin sida ay guddida qandaraasyadu u kala saareen.