Guddida heer Qaran oo ku dhaqaaqay Inay Dalka Keenayaan Mishiinkii lagu ogaanyey Xanuunka Covid 19

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin ayaa ka warbixiyey waxyaalihii u qabsoomey guddida iyo amaradii hore loo soo saaray oo talaabo laga qaadi doono ciddii fulin wayday.

Wasiirka ayaa sheegay in dadka aan doonayn badbaada dalka qaranka in talaabo laga qaadi doono, gaar ahaanna goobaha gaarka loo leeyahay ee ciyaaraha, goobaha waxbarashada iyo hudheeladda.

Wasiirka ayaa sheegay in dalka la keeni doono mishiinka lagu baadho xanuunka Covid-19. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dad tiradoodi gaadhayso 20 qof baadhitaano dhiigag iyo dheecaano ah laga qaaday oo natiijadooda la sugaayo.

Wasiirka ayaa bulshadda ku booriyey inay ku dadaalaan talaabooyinka ka hortaga xanuunka Covid-19, sida kala fogaanta, iska daynta salaanta gacanta, isku imaatinta goobaha dadweynaha, iyo in lagu dadaalo faraxalka iyo nadaafadda.

Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee Wasiirk Kaahin: