Guddida Heer qaran ee u Diyaar garowga Covid19 oo la Kulmay Culimadda Iyo Dhakhaatiirta

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddida Heerka Qaran u diyaar garowga iyo Ka hortaga Cudurka Covid19 ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Hal doorka Culimadda iyo bahda Caafimaadka Somaliland.

Kulankan oo uu Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Guddida heer qaran ee u diyaar garowga iyo ka hortaga Xannuunka Covid19 isla markaana ah Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici.

Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in Ujeeddada Kulankani tahay sidii loo midayn lahaa farriimaha wacyigelinta ee bulshada loogaga digayo khatarta Cudurka Coronavirus.

Xubno ku hadlayay afka Culimada iyo dhakhaatiirtii Kulankaasi ka qayb galay.

HALKAN KA DAAWO WARKAN: