Guddida Heer Qaran ee Covid19 oo Guddoomay Lacag $700,000

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna guddoomiyaha guddida heer qaran ee ka hortagga iyo la dagaalanka xanuunka Covid19 ayaa maanta la guddoonsiiyey lacag dhan $700,000.

Lacagtan oo uu ku deeqay Sheekh Hamad Sabah Al-Ahmed Al-Jaber Al-Sabah oo kamida Boqortooyada Kuwayt oo degan yahay gobolka Saaxil.

Lacagtan ayaa loogu talo-galay in wax laga qabto xanuunka covid19 ee dalka ku sii baahaya.