Dab-baaxadle oo Ka Holcaya Deegaanka Ilinta Dhexe ee Waqooyiga Hargeysa

Hargeysa – (WARSOOR) – Dab baaxad leh ayaa ka kacay dooxada dhalin waraabe oo u dhaw deegaanka Af-cad oo ka tirsan deegaanka ilinta dhexe ee Waqooyiga Hargeysa, dabkan oo aan ilaa haatan la ogayn waxa sababay ayaa la sheegay inuu yahay dab aad u baaxad leh oo marba marka ka danbaysa kasii kor-dhaaya, kaasi oo aan ilaa hada aanay ka hawlgalin guud ahaan haayadaha ku shaqada leh ee xukuumada Somaliland.

Dabkan oo sida uu Gudoomiyaha Deegaanka Ilinta dhexe Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ciise, oo u waramay Tv-ga Saab Tv, xaqiijiyey deegaankani gubanaayey in ka badan 48 saacadood, isla markaasina saamayn xoogan ku keenay deegaanka.

Gudoomiyaha Deegaanka Ilinta dhexe Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ciise, ayaa waraysiga uu siiyey Saab Tv, 12 June 2020 waxa uu ku sheegay in ilaa hada uu dabku gaadhay dhul baaxadiisu gaadhayso 4Km isla markaasina aanay jirin cid ka socota haayadaha xukuumada Somaliland oo halkaasi gaadhay iyo wax talaabo ah oo ilaa hada laga qaaday dabkaasi.

Dhinaca kale, warar xog-ogaal ah oo warbaahintu ka heshay ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxa ay tibaaxeen, in daminta dabkan ka kacay deegankan waqooyiga Hargeysa ee ilaa hada aan wax gurmad dab-damis ah loo dirin ay sababtay khilaafkii dhawaan ka dhex qarxay Taliyaha guud ee ciidanka dab-damiska Axmed Xasan Sawaaxili iyo Agaasimaha fulinta ee ciidanka Mr.Cabdiqaadir Cumar Xaashi, kaasi oo sida xogahani sheegeen, si weyn u xumeeyey nidaamkii wada shaqayneed ee laamaha dawlada iyo hogaanka sarre ee ciidanka dab-damiska, isla markaasina ay si toosa u joogsatay xidhiidhkii wada shaqayneed ee Taliyaha Ciidanka dab-damiska iyo haayadaha uu wadashaynta joogtada ah la leeyahay, sida Maamulka dawlada hoose ee Hargeysa iyo wasaarada arimaha gudaha oo ciidan ahaan ay hoostagaan dab-damisku.

Xogahan ayaa sidoo kale waxa ay xuseen in markii masuuliyiinta dawlada hoose ee Hargeysa, iyo wasaarada arimaha guduhu-ba, ay ka dalbadeen taliyaha ciidanka dab-damiska inuu goobtan dabku ka kacay u diro ciidan iyo gaadiid dab-damis oo soo bakhtiiya, in uu taliyuhu ka diiday isla markaasina ku andacooday inay tahay meel durugsan oo aanay ciidan ahaan gaadhi karin gurmadna u diri karin.

Dhacdadan oo sababtay fadeexad balaadhan oo dul hoganaysa guud ahaan, xukuumada Somaliland ee haatan xilka haysa, gaar ahaan Taliyaha ciidan.

Halkan ka daawo warkan oo aanu ka soo xiganay SAAB TV: