Guddida Doorashooyinka Qaranka oo todobaadkan bilaabaya Diiwaangelinta Codbixiyayaasha

Hargeysa – (warsoor) – guddida doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhammaadka todobaadkn diwaangelin tijaabo ah ka bilaabaya gobollada Hawd iyo Daadmadheedh.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ku bogaadiyey guddida doorashooyinka qaranka Diiwaangelinta casriga ah ee codbiyeyaasha ee tijaabada ah sida uu kusoo qoray barta uu ku leeyahay Facebook

“Waxa aan ku bogaadinayaa Komishinka Doorashooyinka Qaranka [KDQ] in ay ka bilaabayaan Arbacada 2da September 2020ka, Gobolka Daadmadheedh Magaala Madaxdiisa Oodweyne iyo Gobolka Hawd Magaala Madaxdiisa Balligubadle Diiwaangelinta casriga ah ee codbiyeyaasha oo tijaabo ah” ayuu yidhi