Guddida Anshaxa Asxaabta Qaranka oo Uga Digay in Xisbiyaddu ay Sameeyaan Olole Doorasho Diwaan-galinta Dib uga bilaabantay Dalka

Hargeysa – (warsoor) – Guddida Anshaxa Asxaabta Qaranka Somaliland ayaa maanta digniin ujeediyey Xisbiyaddu Qaranka inay wacyi-galinta diwaan-galinta codbixiyayaasha u badalaan olole siyaasadeed. Guddida ayaa sidoo kale waxay musharixiinta golaha wakiiladda Somaliland uga digeen inay boodhadhka ololayaasha ku dhajiyaan magaalooyinka iyo meelaha dadku isugu yimaadaan dhexdooda.

Guddida Anshaxa Asxaabta Qaranka ayaa kaga dhawaaqay digniintan shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaaladda Hargeysa.

Gudoomiyaha iyo Afhayeenka Guddida Anshaxa Asxaabta Qaranka Somaliland ayaa si wadda jir ah ugu baaqay gudoomiyayaasha xisbiyadda Qaranku inay u hogaansamaan xeerkii Anshaxa diwaan-galinta codbixiyayaasha ee ay saxeexeen.

guddida_anshaxa_Asxaabta

Afhayeenka Guddida Anshaxa Asxaabta Qaranka Cabdiraxmaan Aadan Maxamed oo ka hadlaya falalkii ay ku kaceen asxaabta qaranka qaarkood ayaa yidhi, “Gudida anshaxu waxay u taagan tahay oo loo sameeyey inay ilaaliso habsami usocodka diiwaangalinta codbixiyayaasha, sidoo loogu tala galay inay usocto, waxa ka dhacday saddexdii gobol iyo labadii degmo oo diiwangalintu kasoo dhamaatay olole siyaasadeed oo xisbiyadu runtii ay dhex galiyeen oo runtiina ahaa wax aan loo baahayn marar badana waan ka hadalnay, waxaanu faraynaa una soo jeedinaynaa mar labaad madaama ay saddexdii gobol ee hadhay ay had aka bilaabmayso inay ka waantoobaan oo aanay samayn ololihii saddexdii gobol ee kale ay ka sameeyeen”.

Afhayeenka gudida anshaxa Md. Cabdiraxmaan ayaa mar kale xasuusiyey Asxaabta Qaranka inay ilaaliya xeerkii ay saxeexeen waxaanu yidhi, “Waxan ku bogaadinaynaa masuuliyiinta xisbiyada qaranka inay u hogaansamaan xeerkii xisbigada ee la kala saxeexday ee ay kala sexeexdeen saddexda xisbi qaran iyo komishanku,xeerkaa saddexda xisbiba hore way u jabiyeen lkn waxaan uga digaynaa mar labaad inaanay dib ugu noqon, qofka bini,aadamka ahna hadii uu waxii lagu heshiyay ixtiraami waayo waxa ka imanaysa fawdo, waxaan leenahay madaxda saddexda xisbi qaran madaxdi bari ayaa tihiine hadii aad xeerka aynu ku heshiinay aad tixgalin waydaan sideen baanu bari dalka iyo dadkaba idiinku aamini karaynaa markaa ka waantoobaa Ayaan idin leenahay”.

Guddida Anshaxa Asxaabta Qaranka ayaa hore digniintan oo kale u diray asxaabta Qaranka ee diwaan-galintii codbixiyayaasha u badalay olole siyaasadeed, balse may jirin xisbi dhag-jalaq u siiyey, guddiduna wax talaabo cad ah oo ay ka qaadeen ma ay jirin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.