Golaha wakiillada oo ansixiyay xeer ka soo Noqday Golaha Guurtida

HARGEYSA – (WARSOOR) – Golaha wakiillada Somaliland, ayaa ansixiyay wax-ka-baddelka iyo kaabista  xeerka maandooriyaha oo ka soo noqday golaha guurtida.

Wax-ka-baddel iyo kaabis ay saaka ku sameeteen ,islamarkaana qodob qodob loogu coddeeyay, guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa xughayaha ka codsaday in uu is raaciyo dhammaan qodobada xeerka si loogu codeeyo.

Golaha oo ay ka soo xaadireen 43-mudane, waxaa u ogolaaday 38-cod, waxaa ka aamusay 4-qof, cid diiday may jirin, guddoomiyuhuna ma codeyn sidaasi ayuu ku ansaxay.