Dawladda Hoose ee Degmada Gabiley oo Kaalinta 1-aad ka Gashey Qiimeyntii Dawladdaha Hoose ee Dalka

Gabiley – (Warsoor) – Dawlada Hoose ee Degmada Gabiley ayaa noqotey qiimeyntii dawladaha hoose tii ugu wanaagsaneyd dhinaca qorshaha Maamul-daadajinta, Isla markaasina ku guuleysatey maareynta iyo maamulida nimaadkan barashada ahaa ee “JPLG-GA” Oo laga maal-galiyo cashuurta dadweynaha inta ugu badan, Hadaba waxa ay maanta cadeeyeen xafiiskii qiimaynta iyo daba-galku in dawlada hoose ee Gabiley tahay hormoodka nidaamkani oo ay halkaasi milgo iyo maamuus uga soo hoyatey.

Dhamaan Masuuliyiinta Degmada Gabiley iyo maamulka Dawlada Hoose waxa ay mudan yihiin bogaadin, dhiiri-galin iyo amaan ku aadan guusha ama libinta u soo hoyatey, Waa Masuuliyiinta uu ugu horeeyo Gudoomiyaha golaha degaanka Degmada gabiley Md . M-aamiin Cumar , Gudoomiye-xigeenka Md. Cabdi Yuusuf Daahir “Goolle” Iyo Xog-hayaha fulinta Md. Mustafe Maxamuud Xaaji Cabsiiye iyo dhamaan Agaasimayaasha Dawlada Hoose ee hawshan yagu farsamo-yaqaanada ka ahaa, Si gaara waxa isna xusid mudan Xafiiska la taliyaha mashruuca “GPLG-GA”, dhamaantiin Hambalyo.

Waraaqdu waa qiimayn sax ah oo ka soo baxdey Xafiiska Daba-galka iyo Qiimeynta mashaariicda Maamul-daadajinta ee dawladaha hoose ee dalka inta mashruuca koobsata ka hawl-gala dhamaan Jamhuuriyada Somaliland.