Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Ansixiyey Ajendaha Kalfadhiga 33-aad iyo Muran Ka Dhashay Xeerka Bangiyadda Ribadda Ku Shaqeeya

Hargeysa – (warsoor) – Fadhigii golaha wakiiladda Somaliland ee Sabtida oo uu shir gudoominaayey gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee golahaasi ayaa ansixiyey ajendaha kalfadhiga 33-aad ee golaha. Ajendahan oo oo uu ku jiray xeerka muranka dhaliyey ee Bangiyadda ku shaqeeya ribadda.

Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiiladda Somaliland Md. Baashe Maxamud Faarax ayaa cod galiyey ajendaha kalfadhiga 33-aad xili ay goluhu intooda badani ay si aad ah uga soo horjeedeen in ajendaha lagu soo daro xeerka bangiyadda ku shaqeeya ribadda.

Si kastaba ha ahaate, gudoomiye Baashe ayaa ugu dambayn cod u qaaday ajendaha kalfadhiga 33-aad waxaanu natiijaddii kalfadhigaa ugu dhawaaqay sidan, “Ajandaha Kalfadhiga saddex iyo sodonaad (33-aad) ayaa waxa cod gacan taag ah ku meel mariyay 26 Mudan waxaana diiday 11 mudane waxaana ka aamusay 5 Xildhibaan guddoomiyahuna muucodayn”.

Xubno ka mid aha golaha wakiiladda Somaliland ayaa aad uga soo horjeedsaday in gabi ahaanba lagu soo daro ajendaha kalfadhiga xeerkan bangiyadda waxaanay sheegeen in xeerkani uu shareecadda Islaamka iyo dastuurka Somalilandba uu ka hor imanaayo.

Xubno kale oo taageersanaa in cod loo qaado xeerkan bangiyadda Ribadda ku shaqeeye ayaa dhankooda soo dhaweeyey in xeerkan lagu soo daro ajendaha oo cod loo qaado oo ciddii diidana aan diido ciddii taageersana ay gacanta ku taagto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.