Golaha Wakiiladda oo La Isugu Yeedhay Fadhi Aan Caadi Ahayn

HARGEYSA – (WARSOOR) – Golaha Wakiiladda Somaliland oo muddo fasax ku jiray ayaa loogu baaqay inay shir degdeg ah isugu yimaadaan si looga wadda hadlo arimo muhiim ah.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa xildhibaanadda ka dalbaday inay fadhi aan caadi ahayn isugu yimaadaan maalinta sabtida ee bishu tahay 20 June, 2020.