Hawshii nabadaynta deegaanka Ceegaag ee gobolka Saraar oo meel wanaagsan maraysa

Hargeysa – (WARSOOR) – Wejigii koobaad ee xalinta iyo nabadaynta labada beelood ee walaaalaha ah ee deegaanka Ceegaag shaqaaqadu ku dhexmartay ayaa si habsami ah uga socota degmada Ceegaag ee gobolka Saraar.

Sida uu ku soo waramayo wariye Liibaan Axmed Ciise (Liibaan Qaran) oo ka tirsan wakaaladda wararka Somaliland ee solna, waxa shirkaas goob joog ka ahaa agaasimaha ee wasaaradda diinta iyo Awqaafta Somaliland, saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka, guddoomiyaha degmada Ceegaag iyo masuuliyiin kale.

Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay xubino ku hadlayey afka guddida dhex-dhexaadinta labada beelood, oo illaahay ka baryey inuu hawshaas ugu soo dhameeyo si wanaagsan oo kheyr qabta, iyaga oo intaas ku daray in deegaanka Ceegaag uu u baahan yahay nabad ka dhaqan gasha iyo horumar dhinaca adeegyada bulshada ah.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Ceegaag Axmed Ciise Cawil, oo halkaas ka hadlay ayaa u mahad celiyey ciidamada qaranka ee deegaankaas ku sugan, weftigii k asocday xukuumadda, weftiyadii ka kala yimid gobollada Sool iyo Buuhoodle, oo uu sheegay in ay door laxaad leh ka qaateen hawlaha nabadaynta deegaanada Ceegaag iyo Qocondhaale.

Waxa kale, oo isna goobtaas hadal ka soo jeediyey taliyaha qaybta todobaad ee ciidanka qaranka gaashaanle sare Mahad Canbaashe Cilmi, oo u mahad celiyey labada beelood ee walaalaha ah oo uu sheegay in ay u hogaansameen talooyinkii loo soo jeediyey isla markaana ay qayb weyn ka qaateen daminta shaqaaqadii deegaankaas ka taagnayd.

Geesta kale, agaasimaha guud ee wasaaradda diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdilaahi Cabdalle, oo madashaas ka hadlay ayaa u mahadnaqay weftiyadii kala duwanaa ee deegaanada Ceegaag iyo Qocondhaale u tagay nabadaynta, isaga oo si gaar ah ugu mahad celiyey bulshada degmada Ceegaag iyo ciidanka qaranka.

Waxa kale, oo uu xusay doorkii ay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ka qaadatay xalinta iyo nabadaynta shaqaaqada degmada Ceegaag ka dhacday taas oo uu sheegay inuu hormuud u yahay madaxweyna Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, wuxuuna intaas ku daray in xukuumaddu diyaar u tahay talaabo kasta oo hawshaas lagu soo afjarayo.